Soomaali lagu soo oogay in ay gacan siiyeen ragii weeraray Westgate Mall oo eedaa isaka weeciyay
Nairobi Nov 05,2013(SDN)-Afar ruux oo Soomaali ah oo lagu soo oogay in ay ku lug lahaayeen weerarkii bishii September 21 lagu qaaday rugta ganacsiga ee Westgate mall ayaa eedahaas iska duway
Ragan denbiga lagu soo oogay oo tiradoodu aheyd afar ayaa la kala yiraahdaa Maxamed Axmed Cabdi,Liban Cabdulah Cumar,Ilyaas Ibrahim ilyaas Aadan Deeq iyo Xasan Mustafa.
Maxkmada ayaa lagu khasbay in ay ragan u keento cid u turjunta bacdamaa ay sheegeen in aaney ku hadal English iyo Sawaaxili toona.
Denbi oogeyaasha ayaa afartan ruux ku eedeeyay in ay qeyb ka ahaayeen weerarka sida ay qaar aan maxkamada ku sugneyn ay uga qeyb qaateen.
Maxamed,Cumar iyoIlyaaswaxa siyaabo kala duwan loogu eedeeyay in ay gacan siiyeen Maxamed Cabdinur Siciid iyo Xasan Dhuxuloow iyo qaar kale oo weerarka geystay.
Afartan ruux oo edaha gebigooda dafiray eedahan loo soo jeediyay ayaa dib maxkamada u hor iman doona bisha Nov 11keeda.
SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com