|

“Anagu Xisbiga Kulmiye u Kala Hiilin Maynee Waanu u Ducaynaynaa” Jamaal Cali Xuseen {DHAGAYSO}

Hargaysa 04.Nov 2013 (SDN)- Musharaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Cadaalada iyo daryeelka ee Ucid Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen ayaa sheegay in Xisbi ahaan aanay Jeclayn inay u kala eexdaan Garabyada isku haya Xisbiga Talada dalka haya ee Kulmiye oo Mudooyinkii u danbeeyay uu hadheeyay Khilaaf salka ku haya doorashadii Gudida Qaban qaabada Shirweynaha Xisbigaas oo ku Mudaysan 25 bisha 12aad ee Sannadkan.

Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Ucid oo Maanta ka hadlayay Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen isaga iyo Gudoomiyaha Xisbigaas ayaa Tilmaamay in Shirweynaha Qaran ee Wada Tashigu ee labada Xisbi Muccaarid ku hawlan yihiin ay Ujeedadiisu tahay sidii ay Somaliland u Heli lahayd Qorshe Siyaasadeed oo Cad oo ay ku higsato danaheeda isla markaana ay ku Marti qaadayaan inay Xukuumada,Golayaasha Qaranka iyo inta danaysa horumarka Somaliland ay ka soo qayb galaan.

Halkan Guji oo Mobilkaaga ka Dhagayso Hadalkii Murashax Jamaal Cali Xuseen
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Jamaal04N.mp3″]
Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed