|

Qoyska Madaxweynihii hore ee Masar oo sheegay in aaney ka qeybgeli doonin Maxkamadeyntiisa

Qaahira Nov 04,2013(SDN)-Qoyska Madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Morsi ayaa saxaafada u sheegay in aaney ka qeybgeli doonin maxkamada maanta dalkaasi ka bilaabaneysa ee dacwadiisa lagu dhegeysan doono.

Osama Maxamed Morsi oo ku hadlay magaca madaxweynihii u horeeyay ee dalka Masar shicibku doortaan ayaa si ba’an u canbaareeyay dawlada ciidamadu talada u dhiibeen ee Masar.

“Qoyska Morsi ma aqoonsana Maxkamada,aabahayana waa la qafaashay waana la heyste”ayuu yiri Osama Morsi.

Madaxweynihii hore ee Masar Morsi ayaa xabsiga la dhigay bishii July ee ina dhaaftay ka dib kolkii xilka ka tuureen ciidamada dalakaasi.

Isu soo baxyo rabshado wata oo taageereyaashiisu sameeyeena waxa ku dhintay dad tiro badan halka qaar tiro bbelayna ay ku dhaawacmeen.

SDN-Qaahira
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed