Xubnaha Golaha Deegaanka Burco Oo Eedo Culus Dusha Ka Saaray Guddoomiye Xamarji
Burco:4-Nov-2013 (SDN)-Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Degaanka Degmada Burco ayaa Eedo culus dusha ka saaray Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (xamarji) iyagoo ku tilmaamay nin Farogelin baahsan ku haya shaqadii loo Igmada Golaha Deegaanka Burco.
Xildhibaan Rashiid Faarax oo ugu Horayn shirkaas jaraa,id ka hadlay ayaa yidhi”.,waxaanu halkan ka sheegaynaa arin culus oo Gobolka kusoo koradhay,mar hadii meel la joogo oo maamul ka jiro waa in lawada shaqeeya wada shaqayntuna waa daruuri,hadii ay wada shaqayntu luntu waxaa luma haanaanka maamul,Tobanka Bilood ee aanu meesha wada joognay ee aanu ka gole ahan joognay waxaa jirtay wada shaqayn la,aan dhacdadii sagaalaad ayaa dhacday isagaana u sabab ahaa, badhasaab Xamarji waxaa iska dhex galay maamulkii heer Gobol iyo ka degmo,sidaa awgeed waxaan u sheegayaa masuuliyiinta qaranka siiba wasiirka Arimaha Gudaha inaanan wada shaqayn karayn Badhasaabka Gobalka Togdheer.”
Xildhibaan Maxmed Tuurtuur ayaa isna yidhi”hadii aanu anaay Xildhibaanadii umadu soo dooratay aniguna waxaan ahay Gudoomiyaha Gudiga Nabadgelyada ee Golaha degaanka, Badhasaabka Gobolka Togdeer ayaa shaqadayaadii hortaagan oo arintii degmada Culays buu ku hayaa,Tobankaas sanadood ee aanu joognayba wanu ka xishoonaynay in la ydhaahdo madaxdii degaanka iyo Gobolkii baa is haysta.”
Xildhibaan Axmed Afyare ayaa Badhasaab Xamarji ku tilmaamay inaanu Gobolka u qalmin, waxana Hadalladiisii ka mid ahaa, “Badhasaabkani waa badhasaab aan A ahayn ee C ah,waxaanu leenahay Nin jeel laga soo daayay ayaa la yidhi waa idiin Badhasaab,markuu qofku badhasaab yahay waa inuu dadka isku wadaa,waa in badhasaab dadka isku wadi kara naloo soo magacaabaa.”
dhanka kale Gudoomiyaha Gobolka Togdheer oo aanu wax ka waydiinay inuu eedayntan loo soo jeediyay uu dinac isaga riixo ayaa si taxadir le u sheegay inaanu wax jawab ah xiligani ka bixinayn.
Murankan haatan soo kacay ee kala dhex yaalla Golaha iyo Badhasaabka Gobolka, ayaa la tallaabsanaya muranada kale ee haatan ku yimi Gobollada dalka sida Gobolka Gabiley oo kale, iyadoo arrintaana loo aanaynayo Badhasaabada oo ka soo jeeda Gobollo aanay Dhalasho ahaan ka soo jeedin oo Golihii Degaanku si isku mid ah ugu kaceen.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com