|

Muranka Iyo Buuqa Kulmiye Oo Markii Ugu Horraysay Kala Reebay Madaxweyne Siilaanyo Iyo Rafiiqiisa Samaale.

Hargeysa:4-Nov-2013(SDN)-Muranka iyo kala Qoqobnaanta ka dhex taagan Xisbiga Talada Haya ee Kulmiye ayaa u muuqda mid sii kala fogaynaya Saaxiibo isku dhawaa oo in Badan Madalo isha shacabku hayso Garbaha isku hayn jirey.

siilaanyo iyo samaaleIyadoo uu madaxweyne Siilaanyo Maalintii shalay ka qayb galay Xuska Maalinta ciidanka Booliska Somaliland oo ku Beegnayd3-dii Bishan November, ayaa markii ugu horraysay Taariikhda madaxweynaha Agtiisa laga waayey Wasiir Samaale oo lagu tilmaamo Saaxiibka ugu dhaw ee madaxweynaha marka Laga reebo wasiir Xirsi oo Haatan waddanka ka maqan.

 

Wasiir Samaale oo  Maalmihii ugu dambaysay ku Foognaa Olole Ballaadhan oo ugu Tafo-xaydnaa sidii uu  Gacanta ugu dhigi lahaa aqlabiyadda Guddida Qabanqaabada Xisbiga Kulmiye, islamarkaana Loo Arko xubinta Sababtay in Xisbiga Kulmiye Xaaladdiisu Meel Xun Gaadho, ayaan kasoo Ag wareegin munaasibaddan uu kala badh maalintii ku qaatay Saaxiibkiisa iyo macallinkiisa siyaasadda ee Axmed Siilaanyo.

Ilaa iyo Hadda lama Hayo cid caddaynaysa sababta uu wasiir samaale oo aan hore uga Habsaamin Goob uu madaxweyne Siilaanyo joogaa uga maqnaaday Munaasibaddan, waxase Dadka Arrimaha Kulmiye u dhuundaloolaa tilmaameen inay Labadan Saaxiib waxoogaa ku kala Boodeen Hannaanka Xaraaradda Xisbiga Loo Kiciyey, iyadoo la sheegayo inuu Madaxweyne Siilaanyo Hore Wasiir Samaale uga codsaday inuu wax ka Beddelo Hannaanka Qaawan ee uu U Wado Ololihiisa Xisbiga Dhexdiisa.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa la sheegayaa inuu Toddobaadkan si Kulul ula Hadlay wasiir Samaale, islamarkaana usheegay inaan loo Baahnayn Habkan wasiirku wato ee xisbiga shaqaaqada looga dhex abuuray, isagoo sidoo kale wasiirka ku adkeeyey inuu wax ka beddel weyn ku sameeyo qaabka uu u maamulayo Hankiisa madaxweyne-nimo iyo Habka aan Bislayn ee Durtaba Xisbigii Madaxweynuhu ka Soo Jeeday Ee Talada Dalka Hayey u kala Jabiyey, islamarkaana Taariikhdiisii wanaagsanayd u shaambadeeyey.

Arrimaha kale ee la sheegayo inuu wasiir Samaale Madluumka ka yahay ayaa waxa ka mid ah qaabkii uu madaxweynuhu u waajahay Khilaafka xisbiga, isagoo ka Biyo Diiday Odhaahdii madaxweynaha ee ahayd inuu Tallaabo ka qaadayo Wasiirrada ay ku caddaato inay khilaafka xisbiga ku leeyihiin, maadaama uu wasiir Samaale Haatan isku Arka Nin ay u furantahay inuu adeegsado dhammaanba xeeladihiisa uu xisbiga Dhexdiisa kaga Muuqan karo, waxana uu ka Biyo Diiday In Madaxweyne Siilaanyo kala mid dhigo wasiiradda kale ee Wasiirnimadooda ku qanacsan.

 

Wasiir Samaale ayaa ah nin si aad ah oo aan qarsoonayn u ixtiraama madaxwweyne Siilaanyo, waxana ay Taasi Gaadhay Heer uu ku dhawaaqo inaanu Tartan la geli doonin madaxweyne Siilaanyo, balse Haatan lama garan karo Meesha ay Gaadhi Doonto Cadhada ka Dhalatay Xumadda kacsan ee xisbiga Kulmiye Dhexdiisa ahi.

Wasiir Samaale oo Haatan isku arka nin Natiijo Fiican ka keenay Kaambaynkiisa ka dhanka ah Guddoomiye Muuse Biixi, ayaa libintiisa ugu weyn ee uu ilaa iyo Haatan Haystaa ay tahay inuu hantay aqlabiyadda Guddida qabanqaabada Kulmiye, waxana uu Haatan Geed  dheer iyo mid Gaabanba u fuushan yahay sidii Guddidaasi u noqon lahayd mid aan la Beddelin oo sidaas ku hawl gasha.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed