|

Sannadkan Dhammaanaya Oo Dembiyadii Ugu Badnayd Somaliland Ka Dhaceen Iyo Ciidanka Booliska Oo Warbixin Ammaanka Ka Dayrinaysa Jeediyey

Hargeysa:4-Nove-2013(SDN)-Sannadkan Sii Galbanaya EE 2013-ka ayaa Noqday Sannadkii ay Somaliland ka dhacaan Dhibaatooyinkii ugu badnaa ee ku yimaadda Muwaadiniinta, kuwaas oo Meelo kala duwan ka imanayey.

ducaaleSida uu Maalintii shalay ku  sheegay Warbixin Dheer oo Madaxa Hawlgelinta Ciidanka Somaliland Maxamuud Ducaale ka Jeediyey     Munaasibadda Sannad-guuradii 20-aad ee ka soo wareegtay Aasaaskii ciidanka Booliska, waxan  dhibaatooyinka waddanka sanadkan ka dhacay ay Baro dhaafiyeen kuwii ka horreeyey ee la arki jire.

Gaashaanle Dhexe Maxamuud Ducaale waxa uu tilmaamay in marka la eego shilalka Gaadiidka ee sanakan dhacay iyo waliba Fal-dembiyeedyada galay Buugga Dacwadaha,  ay muuqatay in dhacdooyinkani noqdeen kuwo aan hore loo arkin,  “Tirada Guud  ee Dambiyada ka dhacay Dalka sanadkan waxa ay dhan yihiin 21278-dembi oo Noo gashay Buugga Dacwadaha (OB-ga), waxanau Maxkamadda u gudbinay 6699-dembi, waxana la Xukumay 2258-dembi, waxana laga Heshiiyey 9304, waxana Beenoobay 3832, waxana Baadhis ku jira 1443.” Ayuu yidhi Maxamuud Ducaale.

Madaxa Hawlgelinta Ciidanka Booliska Somaliland waxa uu tilmaamay in sannadkan dambiyada ugu badan ee waddanka ka dhacaa ay u badan yihiin kuwo ay dhallinyaro sababteeda leedahay, kuwaas oo ay ugu badan tahay Kufsi iyo is Kooxaysi, waxana uu yidhi, “Dhacdooyinka Dhinaca Nabadgelyada khuseeya waxa ugu weyn Falal dhallinyaro ku kacay Kufsi-wadareedyo iyo Iskooxaysi Ba’an oo ay Nabadgelyada ku carqaladaynayaan, waxana aanu 375-dhalinyaro ah ayaanu arrimahaas u qabanay, waxana lagu Lagu Xukumay xukunno u dhaxeeya 3-sano ilaa 3-bilood.”

Gaashaanle Dhexe Maxamuud Ducaale waxa farta ku fiiqay inay qabteen kooxo qawlaysato ah oo dadka Tahriibiya  soona celiyeen Dhallinayaro waddanka ka sii baxaysay, waxana uu yidhi, “Maadaama ka ganacsiga tahriibtu badatay, waxa aanu gacanta ku soo dhignay 22-abooleyaal wax tahriibiya ah iyo 380-dhallinyaro ah oo aanu gacanta ka gelinay waalidiintood.”

Maxamuud Ducaale isagoo ka Hadlaya Farqiqa Dambiyada ee sanadkan iyo kii hore u dhexeeya waxa uu yidhi, “Is-barbardhiga sanadkii hore iyo Kan waxa ay Noqonaysaa inay Sannadii hore ahaayeen 18989, halka ay sanadkan ka Noqotay 21278, waxana dembiyadu sanadkan Kaceen 2289 oo u dhiganta 2%.”

Waxa uu sidoo kale sharraxay sababta ay fal-dembiyeedyadu u bateen, “Sababta Dembiyadu u  bateen waxanu Unisbaynaynaa waa Farsamada Casriga ee Soo Korodhay iyo Tiradii dadka oo Badatay ama Bulshadii oo Sharciga Badatay oo Dacwadda Badisay.” Ayuu  yidhi Maxamuud Ducaale.

Waxa uu faahfaafiyey Dilalka Sanadkan waddanka ka dhacay iyo waxa laga yeelay kuwii dilka Geystay, waxana uu yidhi, “Dilalka Dhacay 73-dil, waxa ku dhintay 75-qof 68-gacan-ku-dhiigle-na waa la qabtay, iyadoo la Baadigoobayo 5-gacan-ku-dhiigle. Isbarbardhigga dilalka sanadkani waxa Hoos u dhacyari ku yimi tiro yar oo kooban oo ah 5.2%”

Dhinaca kale waxa uu Maxamuud Ducaale ka Hadlay Shilalka Gaadiidka oo ah Aafo muwaadiniin badani ku nafwaayeen, waxana uu xusay inay Sanadkan ko u kaceen shilalka iyo khasaaraha kala duwan ee ay Keenaan, waxana uu yidhi, “Tirada Shilalka  BaabuurtaSanadkan dhacay waxa ay Noqotay 2875-shil, waxa ku dhimatay 146, dhaawacuna waa 1805, khasaaraha Gaadiidkuna waxa uu Noqday 1606, khasaaraha Xoolaha Nool ee ku dhintayna waxa ay Noqdeen 419, iyadoo 227-dhisme-na ku Baaba’een. Sannadkanna khasaarahaas shilalku Kor u kacay iyadoo sanadkii hor ahayd 2347, halka ay kii hore ka ahayd 2875, iyadoo  korodhkuna Noqonayo 18%.”

Waxa uu sidoo kale sharraxay Tirada Carruurta La soo Tuuray, inta Dhimatay iyo Tirada dadka Sanadka is Deldeshay, “Sanadka waxa carruur la tuuray 15, inta Dhimatay waa 7, inta Noolina waa 8, sannadkii horena intaas oo kale ayey ahayd. Tirada Dadka is Deldelay  sanadkan waxa ay Noqdeen 18, dhammaantoodan waa ay dhinteen, iyadoo 4-iska Horimaad dalka ka dhaceen, waxa ku dhintay 9-qof, halka ay ku dhaawacmeen11-qof.” Ayuu Yidhi Maxamuud Ducaale.

 

Sidoo kale waxa uu Madaxa Hawlgelinta Ciidanka Booliska Somaliland faahfaahiyey Tirada Mukhaadaraadka kala duwan ee ay sannakan gacanta ku dhigeen, waxana uu yidhi, “Sanadkan waxanu qabanay 3382-litir oo khamri ah ayaanu qabanay, halka 775g oo Noocyada kala duwan ee Xashiishadda ah oo aanu ku qabanay 45-qof iyo Laba Baabuur oo dhammaantood aanu maxkamad Horgeynay.”

 

Mar uu Maxamuud Ducaale ka Hadlayey  Noocyada Dembiyada ah ee waddanka ugu badan, waxa uu yidhi, “Noocyada Dembiyada dalka ka dhaca waxa ugu Badan laba Nooc oo kala ah Dembiga dadka ka dhanka ah iyo Dembiyada Hantida ka Dhanka ah, celcelis ahaana Dembiyada dalka Sanadkan ka dhacay waxa ay Noqdeen.”

 

Ugu Dambayntii waxa uu Madaxa Hawlgelinta Ciidanka Booliska Somaliland  sharraxay Marka la Soo Koobo tirada Dembiyada waddanka ka dhaca Sannadkii ilaa Daqiiqaddii, waxana uu yidhi, “Sanadkii waxa dhaca 21278-dembi, lixdii Biloodna waxa Dhaca 10639-dembi, Saddexdii Biloodna 5319-dembi, Bishii 1773-dembi, Toddobaadkii waxa ka dhaca 422-dembi, Maalintiina 59-Dembi, Saacaddiina 2-dembi, Halka uu Daqiiqaddii waddanka ka dhaco Hal Dembi.”

War-bixinta Faahfaahsan ee Ciidanka Booliska Bulshada u jeediyey, ayaa  laga dhex arkayaa in waddanka ay wali ku sii badanayso fadqalalada iyo Nabadgelyo darradu, waxana wali Taagan oo Sii Badanay dhibaatada ay dhallinyaradu ku hayso Bulshada ku Nool Magaalooyinka waaweyn gaar ahaan caasimadda Hargeysa.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed