|

Kooxda Al Shabaab oo markii u horeysay Tartan Ciyaareed soo bandhigtay(SAWIRO)

Baraawe Nov 04,2013(SDN)-Kooxda Al Shabaab oo hore loogu yiqiinay diidmada ciyaaraha noocwalba oo ay yihiin ayaa magaalada Baraawe ku qabatay tartan ciyaareed.

Sawiro Internetka la soo dhigay ayaa waxa ka muuqday tartan dhalin yaro iyo dad waaweynba ay ka qeybgaleen.

Ciyaaraha halkaa lagu qabtay ayaan aheyn qaar aan aad looga aqoon dunida Sportiga caalamka isla markaana ay raali ka ahaayeen kooxda Al Shabaab.

Waxa Baraawe lagu arkayay rag wata mootooyin oo beratamaya,qaar joonyado lugaha kula jira oo tartamaya,qaar Malqacado beed ku sida oo ordaya iyo qaar xarig jiid ciyaaraya.

Kooxda Al Shabaab oo sanadihii u danbeeyay awoodooda la wiiqay ayaa haatan u muuqda in ay wadaan olole ay ku kasbanayaan dhalinyarada.

Sida Qaramada Midoobey ay 2011kii shaaciyeen waxa ay ku sheegeen in tirada kooxda Al Shabaab ay tahay 5,000 oo askeri haatana ciidamada Kenya oo koonfurta Soomaaliya kula dagaalamaya meliishaadka Shabaabka waxa ay sheegeen in tirada Shabaabku ay iminka tahay 15,00 oo askeri.

SDN-Baraawe
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed