Madaxweynaha Somaliland oo Hambalyo u diray Shucuubta Islaamka Bilowga Sannadka Cusub ee Hijriyada
Hargaysa 03.Nov 2013 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dhambaal hambalyo ah u diray shacbiga Somaliland oo uu ku bogaadiyay curashada sanadka Cusub ee Islaamka 1435 (Hijiriyada) oo ku beegan Isniinta berri.
Madaxweynuhu waxa kale oo dhambaal kaas oo kale ah u diray dhammaan shucuubta Islaamka oo ku hambalyeeyay sanadka cusub ee islaamka dartii, sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu caawa soo saaray afhayeenka Madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul kaasi oo u dhignaa sidan:-
Madaxweynaha JSL, Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Munaasibadda Sannadka Cusub ee Islaamka 1435 (Hijiriyada) awgii oo ku beegan Beri 04.11.2013 oo isniin ah Hambalyo, Bogaadin iyo ducaba u dirayaa Guud ahaanba shucuubta islaamka gaar ahaana Shacbiga Somaliland Meelkasta oo ay Joogaanba.
Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu Hambalyo taasi la mid ah u dirayaa Wadamada Islaamka iyo shacbiga Muslimiinta ah ee ku nool dunida dacaladiisa kala duwan oo uu leeyahay sanad wanaagsan.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu ILLAAHAY Kabaryayaa in uu Shacbiga Somaliland iyo shucuubta islaamka guud ahaanba sanadkan Sanadkiisa ku gaadhsiiyo Bash-bash, Baadhaadhe iyo Barwaaqo, inta Buktana uu ka Dulqaado Xanuunka, inta Caafimaad qabtana uu u siyaadiyo, intii dhimatayna uu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo.
Ugu dambayna waxa uu Madaxweynuhu shacbiga Somaliland ugu Baaqay in ay Nabad-gelyada iyo Qaran-ninada Dalka u soo wada jeedaan oo ay indho dheeraada u yeeshaan sidii ay hore-ba ugu soo jeedeen si aynu u gaadhno himiladeena qaranimo.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com