|

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Tilmaamay doorka Ciidanka boolisku ku leeyihiin Sugida amniga {DHAGAYSO}

Hargaysa 03.Nov 2013 (SDN)- Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland cali maxamed warancadde ayaa isaguna tilmaamay in Ciidanku Heegan ugu jiro sidii uu Nabadooda uga shaqayn lahaa, islamarkaana uu bulshada uga ilaalin lahaa dhammaanba wixii dhib ku haya.

Cali WarancadeeeSidoo kale waxa uu sheegay inay wasiir ahaan ka Go’an tahay inay ciidanka siiyaan Tababar adag oo ay ku ogaanayaan inay Bulshada saaxiib la yihiin, isagoo soo dhaweeyey ansaxinta Sharciga Booliska ee dhawaan la ansixiyey, waxana  uu sheegay in Taas lagaga  maarmi doono  xadhiggii loo geysan jirey Khasaaraha ka dhasha ciidanka awaamiirta qaranka Fulinaya oo aan Hadda wixii ka dambeeya waxba loo raaci doonin Qardaafooyinka ka dhasha hawlgallada sharciga ah ee ciidanku fulinayaan.

Halkan Guji oo Mobilkaaga ka Dhagayso hadalka Wasiirka
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/WARANCADE3.mp3″]
Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed