Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Qaybgalay Xuska Sanad-guuradii 20-aad ee Ciidanka Booliska Somaliland
Hargeysa:3-Nov-2013(SDN)-Waxa Maanta Magaalada Hargeya Lagu Qabtay Xuska Sanad-guurada 20-aad eek a soo wareegtay Aasaaska ciidanka Booliska Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland ayaa ka qayb galay xuska Munaasibadda sanad-guurada 20-aad eek a soo wareegtay markii la Aasaasay Ciidanka Booliska Somaliland.
Munaasibaddan oo oo ka qabsoontay Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa wax aka soo qaybgalay Wasiirro, Xildhibaanno, Saraakiil Ciidan, Salaadiin, Boqorro iyo Hoggaanada kala duwan ee Ciidanka Booliska Somaliland.
Masuuliyiin Tiro badan oo halkaas ka hadashay, ayaa dhamaantood Hambalyo iyo Bogaadin u diray ciidanka Booliska iyo Xaasaskooda, waxana Halkaas laga akhriyey dambiyada kala duwan ee ciidanka Boolisku wax ka qabtay iyo Guud ahaan kuwa dalka ka dhacay oo ay ku jiraan Shilalka Gaadiidka oo ah kuwa dhimashada ugu badan ku keena shacabka reer Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland, waxa uu si gaar ah ugu mahad naqay Ciidanka Somaliland sida adag ee ay nabadda iyo Ammaanka uga shaqeeyaan, waxana uu masuuliyiintooda ku ammaanay sida muuqata ee ay u ilaaliyeen kala dambaynta, waxana uu Ballan qaaday inuu madaxweyne ahaan gacan Buuxda sidii loo dhamaystiri lahaa waxyaabaha ka dhiman ciidanka Booliska Somaliland.
Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland cali maxamed warancadde ayaa isaguna tilmaamay in Ciidanku Heegan ugu jiro sidii uu Nabadooda uga shaqayn lahaa, islamarkaana uu bulshada uga ilaalin lahaa dhammaanba wixii dhib ku haya.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com