|

Suxuufiyiin Faransiis ah oo lagu toogtay dalka Mali

Kidal Nov 03,2013(SDN)-Laba suxuufiyiin ah oo u dhashay dalka Faransiiska oo dalka Mali lagu afduubtay ayaa kolkii danbena toogasho lagu dilay.

Suxuufiyiintan oo ka hawlgeli jiray idaacada RFI ee dalka Faransiiska ayaa la kala oran jiray Claude Verlon iyo Ghislaine Dupont.

Madaxweynaha dalka Farnsiiska oo dilka labadan suxuufi ka hadlay ayaa sheegay in falkaasi ahaa mid “wuxushnimo”aha.

Suxuufiyiintan oo lagu dilay magaalada Kidal ayaa halkaa u tegay in ay ka soo waramaan doorashooyinka dalka Mali.

Suxuufiyiinta ayaa laga afduubtay aqalka Siyaasi ka soo jeeda beesha Tuareg oo la yidhaahdo Ambeiry Ag Rhissa.

Ciidamada Faransiiska ee ku sugan dalka Mali ayaa baadi goob ku sameeyay suxuufiyiinta,waxaana hawada magaalada Kidal lagu arkayay duyuuradaha qumaatiga u kaca ee Faransiiska saacado ka dib afduubka suxuufiyiinta ka dib.

Dawlada Mali ayaa dhankeeda Dhaleeceysay dilka labada suxuufi waxaaney ku goodiday in ay sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto argegixisada.

SDN-Kidal
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed