|

Woqooyiga Korea oo Qaramada Midoobey Canada kaga eedeysay xad-gudub ka dhan ah xuquuqda Adanaha

NY Nov 03,2013(SDN)-Dawlada Woqooyiga Korea oo ka mida dawladaha dunida ugu tumashada badan xuquuqda aadanaha ayaa Safiirkeeda u fadhiya QM ayaa dawlada Canada ku eedeeyay in ay shicibkeeda u geysato xadgudubyo.

Eedan ayaa jawaab u aheyd hadal safiirka Canada ee QM uu ku eedeeyay dawladaha Woqooyiga Korea iyo Iran in ay caburiyaan shicibkooda.

Dawlada Woqooyiga Korea ayaa sheegtay in dadka dalkan loogu yimi ee ku nool Canada loola dhaqmo nidaam ka baxsan shuruucda caalamka.

“Dawlada Canada iyo xulafadooda reer Galbeedku waa in ay eegaan sida ay shicibkooda ugu xadgudbaan inta aaney dalalka kale wax ka sheegin”sidaa waxa yiri safiirka Woqooyiga Korea Kim Song.

Xuukumada Canada ayaa in muda ahba u arkeysay Qaramada Midoobey mid hawlihii loo aasaasay gabtay,in Woqooyada Korea ay fursad u hesho in ay Canada ku eedeyso xad-gudub biniaadna waxa ay aheyd hadal heyntii u badneyd Canada maalmihii ina dhaafay.

SDN-NY
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed