|

Lacagtii Ku Dhacday Gacanta Budhcad-badeedda Soomaalida intii ay Jireen Oo La Shaaciyey

 

London:3-Nov-2013 (SDN)-Sida ku cad War bixin ay soo sartay Qaramada Midoobay,  waxa Daahaha laga fayday xaddiga lacagtii Soo Gashay gacanta Budhcad-badeeda soomaalida Tan iyo intii arrintani Bilaabantay.

badaheenaWaxa lagu qiyaasay inay Budhcad-badeedda soomaalidu faraqa ku shabatay lacag gaadhaysa 413-Milion muddo 7-sano ah oo ay ka shaqaynaysay Badda Dheer ee Xeebta Soomaalidu leedahay, waxana lacagtaas la sheegay inay maraakiib kala duwan ka qaadeen.

Warbixinta si wadajir ah waxa u soo diyaariyay  qaramada Midoobay xafiska ugu xilsaran arimaha mukhadaradka iyo danbiyada bankiga calamka iyo interpol.

Wakaalada wararka u faafisa shiinaha ee shinwa oo warbixinta soo xiganaysa ayaa sheegtay in koxda budhcad badeeda somalia ay lacago badan ay ka faa’iideen 7-sano ee ugu danbeeyay lacagaha madax furashada ah ay ka qaaten maraakibta ganacsi ee ku socdaasha biyaha india.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed