Yaan lagaa Dhex-hadlin,Qalinkii Garyaqaan Cabdale Dahir Adan
Qof kasta oo Eebe abuuray waxa uu dhaxal uu u siiyay maan (maskax) taas oo u ah, waxa kaliya ee uu ku kala haadiyo, kasmada haboon iyo kasmada liidata, ama dantu ku dhex iidaamantahay, waana waxa kaliya ee uu kaga gadisan yahay, dhamaan waxa uu Eebe uumay oo dhan. Iyada oo taasi jirto, hadana waxa uu Eebe ugu deeqay aqoon, oo ah dhaxal uu wada lee yahay habar dad, oo bushaba waxa ku soo kordhinaysay, taas oo ah hogaanka maskaxda, oo u ah halbeega dhabta ah ee uu qofku ku kala haadiyo dhamaan kasmooyinka oo dhan waxa ay doonaan ha noqdaane, hadii ay tahay mid toosan iyo hadii ay tahay mid qaloocda. Si aan hadaba gunta ugu dago qormadan aan rabo in aan la wadaago, bulshada, aan ku bilaabo weydiimahan, waxana ay bud-dhig u yihiin qormadan.
1- Maxan uga jeedaa ( yaan lagaa dhex-hadlin) ?
2- Hubi cida aad kabaha aad ka tolanayso ?
3- Maxaa hanti ma-guurto inoo ah?
4- Aqoonteen u haraadanahay?
1- Maxan uga jeedaa ( yaan lagaa dhex-hadlin) ?
Hal-ku-dhiga qormadu waxa uu ku fadhiyaa waa (yaan lagaa dhex-hadlin) oo aan ula jeedo, noqo qof aqoontiisu ay qaan-gaadhay, oo kasmada uu Eebe siiyay adeegsada, goob kasta iyo madal kasta, waxa kasta oo ka hor-yimaadana iyadu halbeeg u tahay, waxa dhabta ah ee aqoontiisu u sheegtan ku hadaaqa, oo ah aqoon-yahan kalidii istaagay, se ha noqon mid loo soo dhiibo, oo la yidhaa intaa dheh, hebel u jawaab, iyo erayada kale ee dhamaantood ku soo biyo shubmaaya, in qofkan laga dhex-hadlaayo, waxa kale oo iyaduna mudan in aan ku sii aadkeeyo, dhamaan bulshooyinku waxa ay isku dayaan in ay mid kastaa aqoonta ku dhex iidaanto dhadhankeeda dhaqan, taas oo ka dhigtay aqoontii aragtiyo cid u adeegay, waxa na ay ka dhigeen aqoontii, dabino ay ku kaluumaystaan, waxase mudan dhankay doonto ha ka timaado aqoontu, waa in aan aad isaga hubino, taasi maaha in aan diidno dhamaan wax kasta oo ay dadku yidhaa, ee waxa aan ku eegaynaa garashada iyo kasmada, wixii wacan ee aan markaas aragno in uu wacan yahay waan ka qaadanaynaa, se wixii xun waan uga tagaynaa, waxana aan halkan halbeeg mudan uga dhigayaa murtida odhanaysa (aqoon iyo kasmo kasta oo aduunka ka jirta waan u furayaa maankayga, se ka ogolaan maayo in ay dhadhankayga dooriso ama jirida ii siibto). In badan oo laga dhex-hadlayaa waxa ay u egyihiin, ninkii Abwaan Hadraawi maansadii Gol-jano ku sheegay, ee uu ugu soo hal-qabsaday Maxamed Siyaad Bare ee uu ku yidhi. Qudhun buu far galiyaa marka gacal la yaabuu guud kiisa mariyaa Se waa goorma marka aan halkaas aan gaadhaynaa, waa marka ay aqoonteenu ka weynaato dhamaan, wax yaabaha kuf-sashada ku ah aqoonta, qofkuna si dhaba u noqdo aqoon-yahan dhaba oo aqoontiisu qaan-gaadhay, waxana halbeeg u ah in qofku yahay aqoon-yahan iyo inkale qodobadan
1- Waa in aqoonta uu sidaa ay biyo dhigatay, oo arinka uu dhan kasata ka eego, oo aanu hal gees ka eegin, waana in uu ka dheeraadaa laab-la-kac aqooneed
2- aqoontiisu ay qaan-gaadho, qofku jidh ahaan waxa uu u qaan-gaadhaa marka uu 15 sano gaadho, se garaadkiisu muu qaan gaadhin, waxa uu se aqoontiisu ay si dhaba u noqotaa aqoon-qaangaadhay malinta uu noqdo gurgurshaaga aqoonta ee uu u bislaado
3- aqoon tiisu ka weynaato reerka uu yahay, iyo kooxda uu diin ahaan taageersan yahay, iyo aragtisiisa qofnimo,
4- aqoontiisu ka weynaato cid jecelaysi, iyo cid necebaysi, iyo kan ku riix iyo kan ku soo dhawee, kaliya ay ka tahay dadkaaga ugu dhaami, adiguna dan gaara ha ugu adeegsan
5- In uu noqdo kan ay dhamaan bulshadiisu wada hadhsato, waan in uu ahaado kan loo soo wada ooyo, ee aanu noqon ka cid gaari hadhsato.
6- In uu aqoon yahanku yeesho meel loogu soo hagaago, oo aanu noqon mid habeenba geed taagan, waana in aanu noqon hangool maliba ninkii soo oodaysanayaa dagta sii sudho.
Hada waxa aan dareemayaa, in hal-ku-dhiga aad ila garateen, waayo faca aan nool nahay waa facii itus oo I taabsii, ee ma joono amintii waraabe u taaga, iyo in wax aan jirin la isku beer-laxawsado, aqoon baa lagu tanaadaa tubta haboon lagu haybsadaa, ee tusaw midaa beeso.
2- Hubi cida aad kabaha aad ka tolanayso ?
Waa muri aad iyo laxaad u gun dheer, oo ka mida murtida loogu adeegsiga badan yahay bulshada dhex-deeda, waxana ay ku taagan tahay bal in hubsiimo ay aad u haboon tahay, waxa aad qabanayso oo dhan iyo cida aad hor-gale aad ka dhigaysana aad iska tooyato, si aanad mudo kadib dhexda farta uga qaniinin. Xooriska murtidani waa intaas, se ujeedada aan dacal-dhabayaa waa mid ku aadan, dan-layda badatay ee aduunkan aan guudkiisa ku uumanahay, sida ciida oo kale isku dul-tuulan, ee ka gaadhay heer ay Diinta Suuban ka dhigtaan dhabar ay u fuulaan danahooda liita, iyaga oo ka dhiganaaya Diinta waxa ay ku iib-geeyaan dantaas, se waxa jira dad badan oo aan burkaba bahal ka dayin, oo raacaya afkan macaan ee uu ku hadraayo, se aan uurka ka jirin, ama qolooyin shisheeye ahi ku gabraaranayaan, laga yaaban in aanu dhaadin kan lagu gabraaranayaa, in uu dhaadaana waa laga yaabaa. Aan gunta u sii ruqaansadee, dadkeen u digayaa, oo aan leeyahay, iska hubiya cida aad kabihiina aad ka tolanaysaan, aduunkan waxa badan waxaa badan waxa lagu tahan-baago ama lagu hungoobo’e, waxa uu ku socdaa cidahan ka midka ah bulshadeena, oo ay kaw ka yihiin
1- Wadaadada
Waxaa mudan in wadaadadu inaga hubiyaan aragtiyaha diimeed, ee danaha gaarka ah u adeegaya, siiba aragtiyaha, ay ugu weyn yihiin @ Aragtiyaha ka yimaada wadamada Carabta, oo inta badan ay dhex fushada hawlo SIR-DOONIMO, waxana ay yihiin gacmo ay ku adeegtaan, wadamada ugu badan ee ku caano maalay hawshaas liidatana waxaa ugu weyn MASAR, BAAKISTAAN iyo SUCUDIGA, oo inta badan ku caano maalay ka-ganacsiga qudhunkaas. Hadaba hadii Diintii suubanayd sidaas foosha xun loo adeegsaday, waxan haboon in wadaadada Diintu ay ka fogaadaan in uu ku dhaboobo Gabaygii C/laahi Suldaan Tima-cade, ee ku yidhi cama iyo watiin bay cayn kale u cabiraayaane caynaan fardood laguma karo caalin taw yidhi waxana ay marag cad u tahay, sida aanay wadaadada qaar u dhugan Diinta Eebe, ee ay gubinayaan, iyo sida aanay u garan in ay jiraan dad ku adeegta oo ka been abuurta Diinta, waxa se jira wadaado, aqoontoodu aad u bislaatay oo gaadhay heer ay kala gartaan waxa dhabta ah ee Diinteena habooni inagu hagayso, iyo danaha liita ee wadamada qaar rabaan in ay ka dhex fushadaan. Bulshooyinka wadaaga diinta Islaamku waa kala dhaqan gadisan yihiin, taasina maaha waxa geeska daraaya Diinta, ee waa waxa uu Eebe ugu talo galay, kala gadistaanta Afkooda iyo dhaqamadu waa sumad ku tusaysa in Eebe kali yahay, oo kalidaas uu ku wada AF garanaayo dhamaantood, afkuna waa sumada lagu hayb-sooco bulsho, ee maaha in busho kale ugu soo dhuumato Diin, iyada oo rabta in bushada kale ay ku dul-furto dhaqankeeda oo kii ay lahayd bulshadu si tartiiba u fagto. Diintu waa waxa balaadhan oo aan cid ku koobnayn, waana waxa aan kala furmayn oo duuduud lagu liqaayo, waana waxa dhawrsan oo ka yimi meel aan gaf iyo sogordah midana aanu ka iman, waa madal maamuus iyo milgo oo dhami ku iidaaman yahay, waa goob aan gar-xeexo iyo xagal-daacis aan lagu ogayn, waa madal loo wada siman yahay, nin dhiilkiisu buuxo iyo mid qatani waa xeedho ay gacanta wada galinayaan, waa madal Eebe uu goglay oo uu u wada dhigay dhamaan Adoomihiisa, waana madan uu ugu talo galay in aan bulsho gaar u sheegan, bushooyinka kalena aanay ka xigsan, mana ha sida dadka qaarkii moodayaan, in diintu kali u tahay Carab. Diintu maaha wax la isku dux tiro, ee waa dabarka isku haya Eebe iyo Adoomihiisa, waana meel aan dano gaara laga dhex raadin karin, ee kii halkaas raba in uu wax ka raadiyo, aan ku leenahay lafahaaga maaree, oo ka edabso Eebe, waayo sogordaha iyo uurka aad dabaysaba waxa kuu jeedaa Eebe, ee inta aad is leedahay ka dhex ugaadho halkaas ha galin gaws-danbeedaka jahnamo, waxa aan ku soo ooday Maansada Abwaan Gaariye ee Daba-taxan, waxanu yidhi, midho daray hadaan bari duuduub ku liqi jiray doorkan waxan hubsanayaa dirxi inuu ku jiro
3- Aqoon yahanka
Waxa iyaduna meesha taal, oo aad u mudan in aqoon yahankuna, wax badan hubiyo, iyada oo inta badan aqoontu ka imanayso qaramada reer galbeedka, oo wax badan oo dhaqankeena liidasho ku ahi ku dhex iidaaman yahay aqoontaas, waxan haboon in uu kalintiisa ka soo baxo, oo uu si dhaba u kala hufo oo u kala haadiyo aqoontaas, si uu bulshadiisa ugu soo saaro aqoon iyo kasmo si dhaba u tafatiran qashinkana uu ka bidhiiqiyay,waxana aad u mudan in aan aqoon-yahanka aanu ku dhaboob, Iskuuladii uu Abwaan Hadrwaai ku sheegay Maansada Daba-huwen, ee uu yidhi iskuuladu waa deyeyn damiinimaday dhigaan dartay uma soo lug go’in duruustu falkay tiqiin digtoor cadoway sideen digirii nacabay sideen xaq bay garba duubayeen diintay gibil saarayeen waxay dadayeen amuur dhibteedu dib iigu tiil waxay doc-faruurayeen dedaal abid soo taxnaa waxa dhaba hadii Iskuuladu dhalayaan midhahaas, gibilna saarayaan kasmadii iyo aqoontii aan dhaxalka u lahayn, waa waxa aan loo baahnayn, kalintaasna waxa ugu jira aqoon-yahanka, oo ugu jira kalinta askarigu ugu jiro bulashada oo ka kala haadinaaya kasmooyinka aduunka yaala, ugana soo mulaaxinaaya wixii dhaqankeedan suuban aan geeska dareyn, ee aqoon-yahan Eebe xilkaas ha ku garab galo, aamin aamin aamin
intaas buu dhawaaqaygani ku socdaa, oo uu ku leeyahay waxa aad wadaan hubiya oo iska eega oo kala bidhiiqiya, waayo waxa aan bulshada ugu jirtaan halka Askarigu ugu jiro, hadii uu askarigu ilaalinaayo soohdimaha Qaranka iyo sugida xasiloonida Qaranka gude iyo dibadba, idinkuna waxa aad u taagan tihiin, dhawrida garashada haboon iyo sugida aqoon habooni in ay gadho maanka iyo maskaxda bulshadeena, ee qof kastaa haka soo baxo kalinta uu kaga jiro bulshada, ogaadana gumaysigu waa laba. 1- mid dhulka xoog ku qabsada, kaasina waa sii dhamaanaya oo dhamaan bulsha weynta aduunka oo dhami waa garatay, hanaanka iyo tabihiisa, wana sii dabar-jarmayaa, qaabkan gumaysi. 2- mid maanka iyo maskaxda ka gumaysta bulshooyinka kale, oo dhaqankooda ku badala kiisa, kana cidhib tira dhamaan wixii ay ab’ ka soo gaadhay oo dhan, dhadhankana ka dila dhaqankeeda, waayo way kala sareeyaan marka waxa laguu dooraayo iyo marka aad adigu dooranayso, sarayntuna halkaasay ku jirtaa, ee kuma jirto in maankaaga iyo kasmada aad leedahay la dux-tiro, oo lagaa bulux-beeliyo, waan gumaysigan kan loo wada tafa-xeytay, ee ay rabaan in busho kastaa mida ay is leedahay waad liqi kartaa in ay liqdo.
1- Maxaa hanti ma-guurto inoo ah?
Bulsho kasta, Eebe waxa uu siiyay, waxa u gaara, taas oo u ah, sumada ay lagaga baadi-soocayo, dhamaan bulshooyinka kale, ee aduunka gibilkiisa ay ku wada nool yihiin, waana taas ta aan hadii aan bulshada Somaliland nahay, uu Eebe inoo siiyay, sumad iyo astaan inoo gaara, waana halka maanta uu galay gusmaysiga cusubi, ee uu rabo in uu bushada uu sumad tiro. Hadaba waxa meesha taal hadii bulshooyinka uu hirdiga noocan ahi ka dhexeeyo, oo busho kastaa heegan ugu jirto dhawrashada sumada ay leedahay, maxaa inoo sumad ah hadii aan nahay bulshada Somaliland ee aan heegan u noqonaa, in aan wada dhawrano, hadh iyo habeena aan u soo wada jeednaa.
1- Dhaqankeena suuban ee Diinteena dhawrsani ku iidaaman tahay
2- Af keena Somaliga oo ah, waxa aan isku neef-garanayno.
Busho kastaa waxa ay u taagan tahay, waa dhawrida Afkooda, oo ah waxa ugu mudan ee ay bulshiiyinku ku kala duwan yihiin, waxan ay gaadheen heer ay dhamaan aqoonta jirta oo dhan ku dhigtaan afkooda, si ay af-koodu u noolaado, oo aanu u dhiman, waxana haboon in aan afkeena somliga aan si dhaba ugu hagar-baxno, uu dhalaankeena oo koraaya u barto af-kiisa, kuna qaato dhamaan aqoonta taal aduunka, heerkasta oo ay tahay Afka somaliga, waana waxa aad iyo laxaad u fudud, kaliya waxa ay u baahan tahay in aan, si dhaba ugu wada kacno, waxa afku noolaadaa oo ku sii jiraa waa laba shay oo kaliya 1- in af-kaasi yahay af lagu dhigto dhamaan aqoonta taal adunka, waxan lagu sameeyaa aqoonta kale ee ku qoran afka kale, waa la af-celiyaa, waxan uu afka loo af-celiyay ka helaa, koriin, iyo taran, taas oo ka ilaalisa in uu afku gudho, oo uu noqdo af hagaasa. 2- in afku yahay af lagu adeegsado, agabka cusub ( qalabka casriga ah ) taasina waa waxa aad u fudu, oo hadii loo dhaqaaqo aan qaban karno, waxana aan halbeeg inoo ah, Israaiil waxa ay soo noolaysay af dhintay, oo ah afka Cibriga, oo hada ah afka ugu koriinka badan dhanka adeegsiga agabka cusub ( qalabka cusub) waxan ay u samaysay jamacad lagu dhigto dhamaan aqoonta adunka taal oo dhan, waana jamacada cibriya, ee aan hada u wada kacno in aan afkeena somaliga aan si dhaba ugu hagar-baxno hadii kale maalin dhaw udubkaa la inagu riixi, waana la ina mili, sida sonkorta.
3- Habkeena ab’ laga soo gaadhka ah ee aan hawsha u kala leenahay, hadii ay tahay
@ Madax-dhaqameen ( hogaanka dhabta ah ee Bulshada )
@ Wadaadada ( hogaanka dhanta ah ee Diinta )
FIIRO GAARA : waxa haboon in labadaas qolo ay ku ekaadaan halkooda, waayo waa labeenta bulshada, waan halka ugu dambaysa ee loo noqonaayo dhibkasta oo timaada, hadii ay tahay dhanka dhaqanka, waxaa loo noqonayaa madax-dhameedka, hadii ay tahay dhanka diintana waxa loo noqonayaa wadaadada, se hadii ay halkaas ka soo dagaan, waxa ay yimaadeen goob lagu kala aragti duwan yahay, oo ah goob wax laga sheego, inta se ay halkaas ay yihiin ay taagan yihiin, waxa ay joogaan goob bulshadu ay wada ogoshahay, oo ka wada raali tahay.
@ Siyaasiyiinta ( hogaanka dhabta ah Qarankeena )
FIIRO GAARA : waxa aan siyaasiga aan uga reebay, waa guurguur badan yahay, waana jirjiroole, hadba muuq la soo baxa, walibana waa siyaasigan, hada jooga, oo si qaab fool-xun u dhaqma, oo aan dadka kala hambaysan, waxana dhaba hadii aan godkaas soo wada dagno, in aan dux-beelayno, oo hadii dhibi timaado, Eebe inaguma keenee, ay naan haysan geed aan hoos galno, waana taas taan uga reebay, Madax-dhaqameedka iyo Wadaada, waayo waa halka ugu saraysa ee bulshadeenu wada hadhsato, waan gunta iyo unuga bulshada, ee aan wada dhawrano, gujadana aan ka dayno, iyaguna yaanay halkaas ka soo dagin, hana ogaadaan in ay yihiin labeenta bulshada.
4- Aqoonteen u haraadanahay?
Hubaal weeyi, in aqoontu tahay ta qaramadu ku kala sareeyaan, ee maanta la isku gumaysanaayo, ee qaranka aqoonta helaaba uu rabo, in uu kan kale ee ka qatan, in uu ku cidhib-tiro dhaqankiisa, iyo dhamaan waxa uu hanti aqooneed isagu uu leeyahay, oo uu daaha aqooneed ee uu isagu leedahay, tiisa saaro, hadaba hadii xaalka aqoontu yahay taas, maxaa inoo talo ah, oo aan qaadan karnaa, si aynaan aqoonta u seegin, waxas liita ee lagu daray aqoonta aan uga fogaano, oo midha xun ee lagu daray, ama lagu daraayo, aan uga dhex-qaadnaa, si aqoonta aan ka helayno bulshooyinka kale, aanay dhaqankeena u doorin, oo aanay inoo muunad-bixin, waxa aan odhan lahaa oo ila haboon, in aan qaadano talooyinkan.
1- In aqoon-yahankeenu ogaado, kalinta uu bulshada gu jiraa, in ay tahay, kaalin aad u weyn, oo ah in uu gaadhka aqoonta u yahay bulshada.
2- In uu si dhaba u kala barto aqoonta, oo ah aqoonta ay u baahan tahay bulshadiisu, iyo aqoonta aanay gayin, ee dhaqankeeda rabta in ay muunad guuriso.
3- In uu yahay aqoon-yahan qaan-gaadhay, oo kala haadin kara, kasmoyinka is barbar yaacaya, iyo ta uu uga baahan yahay, waana in uu ka weynaaday, laab la kaca aqooneed, oo aanu aqoonta kufsan.
4- In uu dhawro, afka, inoo ah sumada iyo astaanta, aan gaarka u leenahay, oo uu aqoonta soomaaliyeeyo, waayo waxa ku jira laba qodob oo aad u mudan, 1- in afku ku koro, oo aanu ku hagaasin, 2- in bulshadu garato, waxa uu u jeedo iyo fariinta uu sido.
5- In uu heegan u yahay, dhawrida aqoonta aan leenahay, iyo in uu geed dheer iyo mid gaaban u fuulo, sidii aqoonta aan leenahay u sarayn lahayd.
6- Waxa aan ogol nahay wadaag aqooneed, se ma ogoli milan iyo in jirida la ii saaro.
Waxana aan ku soo ooday, murti dhex-martay, Bare ( Macalin ) iyo arday, waxana ay ku jirtaa Riwaayada IF IYO AKHIRO, waxaa ay ku bilaabantay.
Bare ( Macalin )
Waxa intaad miliilicdo inadha haaguna qabtaan maxaa kuula mihiimsan
Arday
Waxaa iila mihiimsan calankan muunada weyn lee mawlaheen ina siiyay mid-nimo aynu ku dhaqniyo cadaaladoon ku midaynaa aniga iila mihiimsan
Bare ( Macalin )
Waxaad muhatee carab kaagu dareemo ee cunahaaga dhex-qaada maxaa kuula macaan
Arday
Macalin uu garanwaayee waxa iila macan nabad baa iila macaan
Bare ( Macalin )
Waxa aad muhatee cunahaaga dhex-qaadee carabkaagu diido maxaa kuula qadaadh
Arday
Isticmaar wax maroojoo masaar weyn iyo toori mijaha kaaga jaraayoo midida kuu qarinaayoo ku maklaa iila qadhaadh
Qalinkii Garyaqaan Cabdale Dahir Adan
Bartay Aqoontaka Xeerarka