Gudoomiyaha Baanka Dhexe ee Somalia oo Is Casishay iyo Sababaha soo dedejiyay
Muqdisho 02.Nov 2013 (SDN)- Guddoomiyihii bangiga dhexe ee Soomaaliya, Yusur Abraar ayaa si kadis ah isku casishay kaddib toddobo usbuuc oo ay xilka haysay.
Yusur Abraar oo noqotay haweeneydii ugu horreysay oo guddoomiye ka noqota bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa warqaddeeda istiqaalada u gudbisay madaxweynaha Soomaaliya 30-kii October.
Waxay warqadda ku sheegtay in si joogta ah loo waydiin jiray inay ku xad-gudubto mas’uuliyadda ay u hayso ummadda Soomaaliyeed, ayna adkaatay inay dib u habayn ku sameyso hay’adda ay madaxa ka ahayd.
Yusur ayaa dhowaan ku soo laabatay dalka kaddib markii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu u magacaabay xilka guddoomiyaha bangiga dhexe, iyadoo beddeshay guddoomiyihii hore, Cabdisalaan Cumar Hadliye oo lagu eedeeyay inuu ku lug laha is-daba-marin lacageed.
Afhayeen u hadlay dowladda oo aan la xusin magaciisa ayaa carrabka ku adkeeyay in madaxweyne Xasan ay ka go’an tahay dib u habaynta hay’adaha dalka, isagoo intaas raaciyay inay aad uga xun yihiin shaqo ka tagista ay sameysay Yusur oo uu sheegay inay Muqdisho booqatay dhowr maalmood.
Wuxuu sheegay in Yusur Abraar la siiyay awood ay dib u habayn ugu sameyn kartay bangiga dhexe.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com