Madaxweynaha Dawlada Federaalka oo soo Gunaanaday Kulamo uu la lahaa Maamulka iyo Waxgaradka Juba land
Kismaayo 02.Nov 2013 (SDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo gababeeyey socdaal shaqo oo qaatay laba maalmood oo uu shalay subax ku tagay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.
Madaxweynaha ayaa muddadii uu ku sugnaa Kismaayo kulamo la qaatay mas’uuliyinta maamulka KMG ah ee Jubba, odayaasha dhaqanka ee beelaha gobollada Jubbooyinka, ganacsatada iyo qaybaha kale ee bulshada.
Xasan Sheekh ayaa dhinacyada uu la kulmay kala hadlay adkaynta nabadgalyada, horumarinta iyo sidii bulshada Jubbooyinku ay u samaysan lahayd maamul ay ku midaysan yihiin.
Wuxuu madaxwaynaha u sheegay in dowladda dhexe ay gacan ka siinayso arrimaha nabadgalyada, horumarinta iyo maamul-wanaagga, isagoona ka mahadceliyey sidii diirranayd ee isaga iyo wafdigiisa loogu soo dhoweeyay magaalada Kismaayo.
Intii uu Kismaayo joogay, wuxuu madaxweynaha booqday dekedda magaalada.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow dib ugu laabtay magaalo madaxda dalka ee Muqdisho.
Kismaayo SDN.
Qurbejoog.com