|

Shir Hawleed lagu Gorfaynayo habka loo marayo fulinta qorshaha biyaha oo hargaysa ka furmay

Hargaysa 02.Nov 2013 (SDN)- Wasiirka wasaaradda Biyaha ee JSL Md Xuseen Axmed Cabdallah ayaa maanta furay kulan hawleed socon doona muddo sadex cisho ah oo lagaga hadlayo hanaanka loo marayo sidii loo fulin lahaa  sharcigii biyaha Qaranka ee Golayaashu ansixiyeen

Wasiirka-biyaha-SomalilandAgaasimaha Guud ee wasaaradda Biyaha Md C/risaaq Jaamac Nuur oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in kulankani yahay mid loogu wanqalayo sharcigii biyaha qaranka ee ka soo gudbay golayaasha sharci dejinta, sharcigaas oo uu agaasimaha guud uu ku tilmaamay mid saamaynaya guud ahaan Somaliland isla markaana meesha ka saaraya xeer hoosaadadii goboladu ka lahaayeen Biyaha Qaranka.

Md C/risaaq waxa uu kula dardaarmay ka qayb galayaashu inay xeerkan sii xambaaraan oo gaadhsiiyaan cid kasta oo dalkan u dhalatay  oo ku shaqo leh biyaha qaranka Somaliland

Kulankan oo ku qabsoomaya xarunta wasaaradda biyaha ayna soo  qabanqaabisay hay’ada CARITaS ka qayb qaadanayaan Maareeyayaasha wakaaladaha biyaha ee dalka, isu duwayaasha Lixda Gobol ee waaweyn ee Somaliland iyo maareeyayaasha wakaaladaha gaarka loo leeyahay ee biyaha, mudada uu socdana lagu lafo guri doono xeerka Biyaha qaranka ayaa hadal uu wasiirku ka jeediyey furitaankiisii waxa uu sheegay in kulankan lagaga hadlayo oo keliya sharcigii Biyaha ee la baas gareeyey, iyo sidii hoos loogu daadejin lahaa.

Md Xuseen Axmed Cabdallah waxa uu sheegay in shaqo kasta oo la qabanayo ay tahay inay sharci loo raaco leedahay, sidaa darteedna ay isu duwayaasha gobolada iyo Maareyayaasha wakaaladuhu ay yihiin rukumadii sharcigan dhaqangelintiisa iyo fulintiisa u xilsaarnaa iyadoo laga duulayo adeegga biyaha ee bulshada Somaliland.

 

Mr Patrice oo ah madaxa Biyaha ee hay’adda caritas ayaa sna dhankiisa kulankaa ka hadlay waxana uu ballanqaaday inay hay’ad ahaan sii dhinac taagnaan doonaan wasaaradda biyaha, siina wadayaan taageerada ay siiyaan.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed