Mareykanka oo nin hubeysani uu rasaas ku furay shaqaale iyo Rakaab ku sugnaa garoonka Los Angeles
Los Angeles Nov 02,2013(SDN)-Nin hubeysan ayaa garoonka duyuuradaha ee magaalada Los Angeles rasaas ooda uga qaaday dad isugu jiray shaqaalihii Garoonka iyo rakaab halkaa damacsanaa in ay ka dhofaan.
Ninkan oo qoraal uu sitay laga dheehday naceyb uu u qabay shaqaalaha baara dadka rakaabka ah ayaa toogasho ku dilay mid ka mida shalaalihii garoonka mid kalena dhaawacay.
Ninkan oo da’adiisa lagu sheegay 23 jir ayaa la yiraahdaa Anthony Ciancia oo hore ugu noolaa magaalada New Jersey balse haatan ku nool Los Angeles.
Ninkan ayaa kolii mudo uu ku dhex meereysanayay garoonka ayaa waxa toogasho ku dhaawacay mid ka mida Booliska Garoonka ku sugnaa.
Mareykanka ayaa todobaadyadii u danbeyay waxa ruxay toogashooyin noocan oo kale ah oo ka dhacayay goobaha shicibku isugu yimaado.
SDN-Los Angeles
contact@somalidiasporanews.com