|

Madaxweyne Siilaanyo oo Xalay Si Kedis Ah U Baajiyey Kulan Garnaqsi ah Oo Guddoonka KULMIYE Ku Goodiyayey Sharciyadda Xisbiga+Ballan Kale oo Maanta Loo Qabtay

Hargeysa:2-Nov-2013 (SDN)- Aqalka Madaxtooyada Somaliland ayaa  la sheegay inuu baajiyey Kulan  turxaan bixin ah oo la dawaynayo khilaafka ka dhex qarxay Xisbiga talada haya ee KULMIYE, xilli ay Xummadda Shirweynahooda 3-aad la suursan yihiin xubnaha iyo guddiyadda fulinta iyo qaban-qaabadu.
siilaanyo iyo muuseMadaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo) oo  sida ballantu ahayd Marti looga ahaa Kulanka Turxaan bixinta  iyo ka garnaqa cidda sharciyadda ku taagan iyo weliba garabka qolka isku doortay ee aan guddida fulintu waxba ka ogayn ayaa la sheegay in uu si kedis ah xalay fiidkii oo qorshuhu ahaa in uu dhegeysto dacwadda Garabka  gacanta ku haya hoggaanka xisbiga uu baaqday kadib markii la ogaysiiyey shalay gelinkii dembe maamulka xisbiga in kulankaasi dib ugu dhacay maanta gelinka hore, inkastoo aan wax sabab ah la raacin baajinta kulanka.
Garabka hoggaaminta xisbiga KULMIYE gacanta ku haya ee uu gadh-wadeenka ka yahay guddoomiyaha ahna musharraxa xisbiga Muj. Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyaan Guddoomiye ku xigeenkiisa 1aad Muj. Maxamed Kaahin Axmed iyo saraakiisha kale ee wehelisaa ayaan ka xaadirin  ballantii Madaxtooyadda ka hor intii aan la baajin, iyadoo wararku sheegayaan in ay u hub urursanayaan kulanka maanta gelinka hore loo ballan san yahay inay ku hor fadhiistaan Madaxweynaha isla markaana  gartooda oo ay sii akhristeen farta ka saaraan.
Lama garanayo sababta rasmiga ah ee Madaxweynuhu u hakiyey kulankaasi hase yeeshee warar u dhuun daloola xaaladda xisbiga KULMIYE soo waajahday  ayaa noo  sheegay in Kal samaanta uu ka taagan yahay bedbaadinta xisbiga ay go’aan qaadashadeeda dhinacyo kala duwan iyo marxalado kala daran ka eegayo, walow wararka qaar sheegayaan inaanu arrintanba daacad aanu ka ahayn balse uu marmarsiiyo ka dhiganayo xilka qaranka ee uu hayo isaga oo dhinaca kale ay immikaba muuqato cidda uu taabacsan yahay ka Madaxweyne ahaan iyo ka masuul ahaanba.
Dhinaca kale Warar dheeraad ah oo aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ballanta maanta oo ku siman 9:00 subaxnimo waxa la sheegay in  Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo isagu markii hore lahaa awooda uu ku soo magacaabay 27-ka xubnood ee  guddida qabanqaabada uu waqti xaadirkan ka fikirayo tallaabada sharciga xisbiggu u siinayo inuu ku anshax mariyo xubnihii sharciyadda garab maray, maadaama oo ay qaarkood xubnuhu qol madow isku caleemo saareen.
tallaabadaas oo la filayo in ay tahay laba arrimood midkood, kuwaas oo kala  ah in uu kala diro xubnaha guddida qabanqaabada ee uu markii horeba magacaabay iyo in uu qaarkood meesha ka saaro, sidaasina guddida fuliinta ugu gudbiyo si ay waajibkodoa uga gutaan.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed