Puntland oo dawlada dhexe ee Soomaaliya ku eedeysay dagaalkii shalay ay la gashay Galmudug
Gaalkacyo Nov 02,2013(SDN)-Maamul goboleedka Puntland oo dagaal shalay uu dhex maray maamul Goboleedka Galmudug ayaa dawlada dhexe ku eedeysay in ay iyadu ka danbeysay abaabulkiisa.
Wasiir ku-xigeenka Puntland Cabdicasiis Siciid Gacamey ayaa sheegay in ay dib u waabiyeen ciidamadii weerarka soo qaaday.
Weerarkan ayuu Wasiirku ku sheegay mid ay soo abaabushay dawlada dhexe ee Soomaaliya isla markaana meliishaadka soo weeraray laga soo hubeeyay magaalada Muqdisho.
”waxana ay wateen kooxda soo weerartay ciidamada illaa 10 Tikniko ah,balse majiran wax khasaaro ah oo naga soo gartay dhankeena dagaalka oo labo xili oo isku dhow dhacay,xiligaan caawa waa ay degan tahay goobti uu dagaallka ka dhacay dib ayey u labteen maleeshiyadkii nasoo weerartay,anaga ayaana ku sugan dhamanba goobi ay soo wareeren,kooxdi ka timid dhanka Gal-Mudug.” ayuu yir wasiirku mar uu la hadlayay saxaafada.
SDN-Galkacyo
contact@somalidiasporanews.com