|

“Kooxdii uu Cabdillaahi Yuusuf Boosaaso Kaga soo Adkaaday Ayaa Ka Mid Ah Kuwa Ugu Awoodda Badan Xukuumadda….” Cali-gurey.

Hargeysa:2-Nov-2013 (SDN)- Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey) ayaa Ka deyriyey xaaladda qallafsan ee xisbiga KULMIYE Galay Xilligan iyo Qalalaansaha ka soo cusboonaaday Khilaafka labada garab u kala jebiyey.

 

cali-gureyMuj. Cali Gurey oo dhawr bilood ka hor saadaaliyey qarax ka dhasha Shirweynaha KULMIYE ee haatan xummaddiisu kar-karinayso xisbiga gudihiisa ayaa qoraallo kooban oo ku daabacay boggiisa uu ku leeyahay bar-kulanka Facebook.com, waxa uu ku tilmaamay wejiga uu u ekaan karo khilaafka kala jebiyey guddidii qaban-qaabada loo xulay ee 27-ka ahaa, kaasi oo uu sababtooda dusha u saaray koox ka mid ah labada garab ee ku hirdamaya kasbashada aqlabiyadda shirgudoonka Guddida Qaban-qaabada. “Khilaafka KULMIYE, marka uu gudihiisa iyo  shakhsiyo yahay macno badan ma laha  oo waxay ku kala adkaanayaan waa uun KULMIYE”  sidaa ayuu ku yidhi  qoraalkiisa,

 

waxaana uu intaa ku daray  isaga oo tilmaam ka bixinaya werwerka uu ka qabo in khilaafka xisbul xaakimku saamayn taban kuyeesho qaranimada, “Lakiin wajiyadiisa kale qaar ayaa halistooda yeelan kara oo KULMIYE  iyo Somaliland-ba xudduudaheeda ka gudbi kara. Kooxdii uu Cabdillahi Yuusuf Boosaaso kaga soo adkaaday ayaa ka mid ah kuwa ugu awooda badan xukuumadda Somaliland,  haddana laga yaabaa inuu xisbiga KULMIYE na gacantooda si buuxda u galo, sida ay dad badani ka shakisan yihiin. Haddii ay taasi dhacdo-na Save (Ammaan) ma jiri kartaa cid kale oo si toos ah ay iskaga hor iman karaan”. ayuu yidhi Mujaahidku.

 

“Kolay xaaladda Somaliland ay xilligan ku jirto iyo arrimaha is biirsan karaa waxay leeyihiin baqahooda,  waayo xukuumaddani dhinaca khilaaf xalinta iyo dibu heshiinta kuma fiicna,  xalkana wax aan xadhig iyo xabad ahayn uma taqaan. Markaa bal aan sugno oo dhawrno laakiin ha la wada feejignaado oo Ku walba ha diyaar garoobo”.
Qoraal kale oo uu isna habeen hore ku baahiyey boggiisa Facebook-ga ayaa Cali-gurey waxa uu weydiin iska su’aalay Xisbigii KULMIYE meesha uu maray, iyo sawirka uu yeeshay xilligan oo uu u kala saari waayay midabada calankiisa iyo astaanta dhexda kaga xardhan ” Waar yaa noo garta haddaba! Huruudii maaha, doogadii na maaha’e Ma labadii gacmood baa?l” ayuu yidhi Yidhi Cali.

 

Xaaladda Xisbiga Kulmiye ayaa haatan meel halis ah maraysa, waana la sii kala fogaanayaa, balse Cali-gurey ayaa Noqonayaa masuulkii ugu sareeyey ee si toos ah uga Hadla Khilaafkan isha lagu hayo ee xisbiga Kulmiye soo kala dhex galay.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed