Duleedka Magaalada Gaalkacayo oo uu Maanta ka dhacay Dagaal u dhexeeya Punt land iyo Gal Mudug
Gaalkacayo 01.Nov 2013 (SDN)- Deegaanka Godad oo qiyaastii 30KM u jira degmada Galkacayo ayaa maanta 01 Nov, 2013 duhurnimadii waxa ka dhacay dagaal u dhaxeeya ciidanka Puntland iyo maleeshiyo beeleed Galmudug ka soo jeeda.
Sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen Ilo Wareedyo lagu kalsoon yahay Maleeshiyaadkan ayaa soo weeraray ciidanka iyagoo watay ilaa 10 Tikniko ah, waxana la dilay lix qof halka dhaawaca lagu sheegay ku dhowaad 10 ruux.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in hubka maleeshiyaadkan ku dagaalamayaan uu yahay mid Dowladda Federaalka Muqdisho soo siisay mamulka Koonfurta Galkacayo ee Galmudug.
Dowladda Puntlad kama aysan hadal weli weerarkan ay ku soo qaadeen maleeshiyo beeleedku, waxase la filayaa in dhowaan ay war ka soo saarto.
Gaalkacayo SDN.
Qurbejoog.com