Qiimaha waqtigaagu waa qiimaha noloshaada!
Maxaad u nooshahay? Halkeed ku socotaa? Waamaxay micnaha Nolol?
Qof walba wuu ordayaa, hami iyo himilo ayaa ka horreysa oo uu is leeyahay gaadh ama hiigso oo mar uun gacanta ku soo dhig, Maaha wax inagu nool laakiin waa wax aynu ku noolnahay bashar ahaan, u fiirso sida ay u noolyihiin dadka la yidhaah nolosha wey ka dhaceen, waxa ay la’yihiin himiga iyo himilada aad ku naaloonayso.
Waa mawduuc kooban oo aan ugu talo galay inaan kaga hadlo ama ku iftiimiyo xogo iyo jawiyo kala gadaaman oo dhalinyar ahaan inagu xeeran, wali ma isweydiisay hadafka dhabta ah ee nolosha! Ama naftada ma su’aashay su’aalaha kor ku xusan? Habeen adigoo jiifa lightkana damiyey dhowr su’alood ma is sii weydiisay,Maanta maxaa kuu qabsoomay? Adigoo is rog rogaya niyada ma iska tidhi oo ma sii ballan satey bari? Waqtiga ma ka faaidaysatey mise wuu kaa faaidaystey?
Sanadku waa 4xilli, Gu, Xagaa, Dayr iyo Jiilaal, waana 12 Bilood, 48Usbuuc iyo 356
Maalmood. Waxaa waajib ah, sanad markuu dhamaado qofku inuu isweydiiyo
sanadkaan baxay maxaan kasbaday ama korodsaday? Maxaan faaiiday? maxaanse
khasaaray? Maxaa ii kordhay maxaa iga nuqsaamay? Qofkaan taas is weydiinin
waa qof ka jaahil ah, Ra´sumaalkiisa iyo meesha ay usocdaan, oo aan rabin inuu
xaalkiisu tooso Jidka saxda ah bidhaansado. shayga uqaalisan ee Qofku uu haystaa
waa Waqtigiisa iyo Caqligiisa, labadaa qofkii dayacana waa qof Dahabkii uu Alle
siiyay, aan qadarinin ilaalinin, oo dayacay ama iska tuuray. Waqtiga qiimihiisa
darteed buu Rabbi (swt) dadka oo dhan kasimay, oo qofna uusan kankale uga
badinin! Caqligana qofwalba inbaa laga siiyay waxaana layna faray inaan kobcino,
inagoo adeegsanayna: Iimaan, Cilmi, Fikir, akhris iyo dadaal si aan u hormarino
garashadeena ama Caqligeena.
Runtii waqtigan aynu ku noolnahay maaha sidii waqtiyadii hore, caruurnimadaadii waxaad ku hadaaqi jirtey bilaa camal ayaan ahay, Hadda maalina ma is tidhi yaa waqtiga joojiya aad hawlo kugu tuulmay kala tuurtide? Intaan isweydiiyey ma yara shakhsiyan! Laakiin miyuu waqtigu kuu istaagayaa, Cadceedu way socotaa, Maalintuna Habeen ayey isku badalaysaa Dayaxuna wuu soo baxayaa, adigana waqti ayaa kuu sii kordhaya oo halkaad joogtey ma joogaysid, Hadaba sida aynuu kawada dharagsannahay wadankeena dhalinyarta ku nool lama moodaba in uu waqti ku socdo, Alleh iyo Axdiga Maqaaxi ayaaba laga wada sheekaynayaa oo lagu hadlayaa wax aanay waxba dani ugu jirin, waxaad arkaysaa maqaaxiyihii oo camiran goobihii cilmiga iyo waxbarashada oo madow ama inta joogtaa yartahay, logic ahaan markaad fiiriso maxaad isweydiinlahayd? Umadan jabkeedi miyaanu soo dhaweyn? Illeen umad marka la qiimaynayo waxaa lagu qiimeeyaa dhalinyarta oo lafdhabar wadan kasta ahe, hadii dhalinyarti fasaado oo xumaato marin habawdana Umadaas way jiidatey oo luntey!
Ayaan iyo nasiib darro Aarankan kacay Aduun iyo Akhiro halkay joogaan isma oga! Dhalinyar ayaa wada hadlaysa waxay ka hadlayaan Mawduuc wacan maaha waqtiga ugu badana way galiyaan Hadallada aan waxtarka lahayn, midbaad waar hebel ka waran ku odhanaysaa markaasuu bado kale kula galayaa, ma adaa waalan mise cadanbaa laga heesayaa!?
Akhriste wadanka, dadka iyo diintuba qofka ay tabayaan waa adiga hada mawduucan Akhriyaya, ma u kacnaa oo ma baraarujinaa Hurudada aan wali toosin? Waxa meesha taala inta hada miyirka qabtaayey sidaynu u baranaa mase ognahay Qiimaha iyo wanaaga aan la soo celin Karin ee uu waqtigu leeyahay? Shalay ku dhaaftey, manta maxaad sugaysaa, runtii kii cilmiga lahaa waxaa la moodaa inay hafiyeen kuwii kale, Mise adaa wali ku jira xaraabaysigii oo isma ogid inaad Masuul tahay?
Macaanka iyo qiimaha waqtiga waxaad dareemi kartaa marka aad dib u jalleecdo ee aad aragto jidkii qodxaanta lahaa ee aad karti, geesinimo iyo Garab waalidba kaga soo gudubtey, waxaaba la moodaa inaynu baal marney xadiiskii Rasuulkeena Muxammad NNKH laga soo wariyey ee ahaa,”wallahi midkiin Iimaan sax ah Malaha illaa waxa uu naftiisa la jecel yahay walaalkiina la jeclaado”. Waa run oo taas jidkeedii ma hayno, oo iska daa qof aad muslinnimo walaal ku tihiine reerkiinii ayaad waxa wanaagsan lagala dhacaaba waqtigan , waar bal heedhe ma is badh qabanaa, halkan lagaa guushan yahay meel kale maaha waa halkay u dhimatey! Oo tolow waa halkee, maalina ma ku fekertey saxiibkaa bug fiican oo uu akhristo u qaad ama u iibi? Allow ka Alleh!
Muslim ayeynu nahay, bal car wiilka aan xaaska lahayn manta muxuu ku hamiyaa oo uu waqtiga galiyaa badankiisa?
Ma cilmi Alleh dartii uu u barto? Ma heblaayo siday kuu jeclaan lahayd? Mise wax kale?
Alla badanaa inta waqti fiican haysata een garanayn siday uga faaidaysan lahaayeen, badanaa inta xaraabaysi ku jirta ee sidaa ku baaba’day, hadaan sidii odayaashii hore gabay wax ku cabiri karo, maxaan wax soo hurgufi lahaa, waayo waxaan dareemayaa wax yaabo badan oo inagu xeeran cidna aanay juuq iyo jabaq u lahayn oo indhaha uun la isku wada daawanayo, Mid mid saxayaa ma jiro, mid walbana isagaa isla saxsan!
Yaanan Akhriste waxba indhahaaga in badan sii daaline waxaan ahay wiil dhalinyar ah Ardeyna ka ah wadanka Malaysia, hore umaan aqoon waqti ku xisaabtan oo wax waad qabsan kartaa lakiin waxaa Madaxayga ka buuxay fadhiga ayaad wax walba ku helaysaa, waayo bulshadu way isa saamaysaa sida beerta midhaha mida xumaataa u fasahaadiso kuwa ku xeeran, Qoraalo badan ayaa lagaga hadlaa dhalinyarta, laakiin maan arag qoraal ka hadlaya Odayaasha, ma is waydiisay waayo tolow?
Oday waxba laga sugi maayo ee waxaa halkaa kaaga cad in qofka la door biday ee lagu xisaabtamayaa uu adiga yahay, Mushkilada ugu weyn ee ina haysataa waa qofkii creative ka ahaa oo meel kale maanka iyo hamiga siiyay! Tolow waa halkee? Meel yar oo fudud hadaan ka soo qabto caawa markaad qolka madawsato waxa ugu horeeya ee kugu soo dhacayaa waa maxay?
Sidaan wax u arkayo hadaad iila aragtid waad dareemaysaa faca mushkiladaha dhalinyarta haysataa intey leegtahay,
Aan soo gunaanado mawduucan runtii maaha mid joogsanaya hadana aan idiin fududeeyo waqtigana intiina idin siiyo, hayeeshee mid yeel…. Waa adiga… Maanta/caawa isku day inaad naftaada control ka ku soo rogto, oo aad ka adkaan kartid, kobci garaadkaaga oo ku dayo dadkii wanaagsanaa ee kaa horreeyay, waan dareemi karaa oo fekrado badan ayaa kugu soo dhacaya laakiin ka adkow oo isku day inaad midho ka guratid waqtigan aadka u kooban ee lagu siiyay, iskuna day inaad hadda bilowdo wax walba, waxaana hubaal ah hadii aad salaadaha ka adkaato inaad wax walba ka adkaan karto oo waqtiga ilaashan karto, Muhiim maaha in ninba nin canaanto lakiin muhiimada iyo raganimadu waa marka la arko gal daloolooyin in xal loo sameeyo, wallahi xalkuna wuu fudud yahay ee adigaa isku adkaynaya, waqtiguna waa ordayaa ee ku sugi maayo.
Qoraalkuna wuu sii socon doonaa InshaAllah.
Mahad Jama Mo. Guleid
Malaysia.