Gabdho Soomaali ah oo Norway ka tegay oo la sheegay in Syria lagu Heysto
Antakya Nov 01,2013(SDN)-Aabaha laba hablood oo Soomalai ah balse ku noolaa dalka Norway ayaa sheegay in gabdhihiisa haatan lagu heysto dalka Syria ayna doonayaan in ay dib u soo noqdaan.
Aabaha Gabdhahan oo aan magaciisa la shaaci ayaa sidaa ku sheegay wareysi uu siiya iddaacada NRK oo laga leeyahay dalka Norwey.
“Waa la heysteyaal,waxaaney ii sheegeen in ay doonayaan in ay aqalkooda ku soo noqdaan loomana ogola”ayuu yiri Aabaha labada gabdhood.
Aaabuhu waxa uu sheegay in caruurtiisu fariin ugu soo dirtay barta Facebook-ga.
“Waxa ay ii sheegeen oo kale in aaney garaneyn halka lagu heysto,waxase ay sheegeen in ay tahay degaan ku dhaw dalka Ciraaq”ayuu yiri Aabuhu mar kale.
Wasaarada Arrimaha Dibedda ee dalka Norway ayaa afhayeen u hadlay waxa uu sheegay in aaney cadeyn in gabdhahan ay ku sugan yihiin Syria,balse hadii ay jirto in la afduubtay ay arintaasi noqoneyso mid khatarteeda leh.
Booliska Norway ayaa 21kii October shaaciyay in labaa gabdhood oo reer Norway ah oo reerkoodi ka baxsaday ay ku sii socdaan Syria.
Fariin ay reerka u soo direen labadan gabdhood ee walaalaha ahi waxa ay ku sheegeen in a dalka Syria u tegayaan sidii ay walaalohooda u caawin lahaayeen.
Labada Gabdhood ee walaalaha ah 00 da’adoodu kala tahay 16 iyo 19 jir ayaa hadal heyntoodu aad ugu badneyd saxaafada Norway intii xogtoodu soo shaac baxday.
SDN-Antakya
contact@somalidiasporanews.com