|

Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland oo Xafiiskiisa Kulan kula Yeeshay Maayarada dalka iyo arrimaha ay ka wada hadleen

Hargaysa 31.October 2013 (SDN)-Madaxweyne ku xigeenka JSL MD Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Seylici) ayaa maanta qasriga Madaxtooyada kulan kula yeeshay Mayor-ada magaalooyinka dalka qaarkood, waxana lagaga wada hadlay natiijooyinkii ka soo baxay barnaamijkii maamul daadejinta Gobolada iyo degmooyinka ee mudada socday iyo sidii loo sii wadi lahaa mustaqbalka.

kulankan  ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka kala socday wasaaradaha uu khuseeyo mashruucani sida  waxbarashada, caafimaadka, Biyaha, Arimaha gudaha iyo Hawlaha guud oo ay wehelinayeen hay’adaha caalamiga ah ee Somaliland ka taageera mashruuca maamul daadejinta degmooyinka.

Munaasabadaasi waxaa warbixino ku saabsan natiijooyinka wejiyadii hore ee mashruuca ka soo jeediyey qaar ka mid ah mayor-ada magaalooyinka dalka ee kulanka ka qayb galay, waxana ay sheegeen in uu yahay mashruuc faa’iido badan u leh maamulada degmooyinka iyo dadweynaha Somaliland guud ahaantood, iyagoo ka codsaday xukuumadda Somaliland iyo hay’adaha kale ee ku shaqada leh in la sii wado mashruucani.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan cabdilaahi Ismaaciil saylici oo isna kulanka gebagebadiisii la hadlay ka soo qayb galayasha ayaa sheegay in mashruuca maamul daadejinta degmooyinku uu yahay mid ka mid ah mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda, lagana doonayo golayaasha deegaanku inay uga faa’iideeyaan bulshada, isagoo dhanka kalena uga mahadceliyey hay’adaha gacanta ka gaysta hirgelinta mashruucaasi.

S3 S2 S1

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed