Ra’iisul Wasaaraha oo ka tacsiyeeyey geerida Xildhibaan Cumar Islow Maxamed
Muqdisho, October 31, 2013—–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa tacsi Qaran u diray qoyska, ehelada, qaraabada iyo shacabiweynaha Soomaaliyeed geeridii ku timid alle u naxariistee Xildhibaan Cumar Islow Maxamed.
“Xildhibaan Cumar Islow wuxuu ahaa shaqsi dadaal badan oo howlaha Qarankana si sharciga waafaqsan u guta, waxaana alle baryeynaa inuu jannadiisa geeyo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo tacsi u diray xubnaha golaha Baarlamaanka iyo dhamaan shacabk Soomaaliyeed.
SDN-Muqdisho
contact@so,alidiasporanews.com