|

Hagardaamooyin Laga Soo Abaabulay Madaxtooyada Oo Xisbiga Kulmiye Lagu dhextuuray iyo Wasiir Samaale Oo Tuur iyo Tarbiic Isku Yeelay Gacantana Ku Dhigay Aqlabiyadda Guddida Qabanqaabada Shirka Xisbiga

Hargeysa:31-Oct-2013(SDN)-Xisbiga Talada Haya ee Kulmiye ayaa wax uu Huursanaadaba Maanta la Soo Baxay Caado iyo Dhaqan in badan la sheegi jirey in ifafaalaheedu  soo siigaynayo.

GAWRACXisbiga Kulmiye ayaa  Kala Fogaanshihii iyo Loollankii u dhexeeyey Labada Nin ee haatan tartanka weyni dhexyaallo ee Samaale iyo Muuse Biixi, waxa uu sababay in Guddidii qabanqaabada shirweynaha ee Dhawaan la Magacaabay ay laba garab u kala jabaan.

Wasiir Samaale oo isagu caan ku ah Diblumaasiyad Qabow oo Hoosta laga wado, islamarkaana ku Aslan isticmaalka Maaliyadda qaranka oo ay raacdo afmiishaarnimo kale ayaa shalay waxoogaa Guul ah la carraabay, islamarkaana Dareersaday tiro badan oo Guddida Qaban qaabada ka mid ah.

Guddidda uu maalintii shalay Gacanta ku dhigay Wasiir samaale  oo Tiradoodu dhan tahay 15-xubnood, ayaa iyagu  Hoosta ka xidhay Guri ku yaalla Shacabka, waxana ay halkaas kaga dhawaaqeen inay Doorteen Guddoomiye, Guddoomiye-ku-xigeen, Afhayeen Xoghaye, iyagoo sheegtay inay yihiin Aqlabiyad, islamarkaana xaq u leeyihiin inay  Doorasho sameeyaan si ay u dhamaystiraan Hannaanka Guddida oo waajibaadkoodu yahay inay Shirweynaha xisbiga Qabanqaabiyaan.

Wasiir Samaale oo isagu dhoosha ka qoslayey, ayaa la sheegay inuu ku sugnaa Meel aan sidaas uga fogayn Aqalka Guddidani ku shiraysay, waxana uu arrimaha intooda badan ku soo gooyey Gacantiisa, isagoo isticmaalaya Farsamooyinka firfircoonida badan ee uu caanka ku yahay, islamarkaana Faro Dufan leh Xubnahan ku Duugay.

Tallaabadan uu Wasiir Samaale maalintii shalay qaaday oo lagu tilmaami karo Libin aan la difiri karin iyo  cudud aan hore loo ogayn oo uu ku dhex leeyahay Guddidan Qaban qaabada dhexdeeda, ayaa Fadhiga ka kicisay Kornayladda xisbiga  Gacanta ku haya, waxana ay kku baraarugeen In aan waxba gacantooda ku  jirin, iyagoo mar dambe Hadal ay Doorashadaas ku daadifaynayaan ka daba Tuuray.

15-ka Xubnood ee uu maalintii shalay wasiir Samaale Aqalka ku xidhay, ayaa u badan shakhsiyaad madaxtooyada aad ugu xidhan, qaarkoodna waxa ay  xilal u hayaan xukuumadda, iyadoo taasina markhaati ugu tahay sida ay xukuumaddu shirqoolka ula eegatay Shirweynaha la rajaynayo in xisbigu dhawaan yeesho.

Sidoo kale waxa ay arrintani markhaati labaad u tahay in Wasiir Samaale kalsooni ka badan midda Muuse Biixi  ka haysto madaxtooyada iyo Kooxda ku xidhan, maadaama uu maalin cad si badheedh cududiisa ugu soo bandhigay Guddidan qabanqaabada ee Tiradeedu tahay 27-ka, waxana ay taasi muujinaysaa Daqaalka wasiir samaale Halka uu Gaadhsiisan yahay iyo sida uu ugu foogan yahay inuu Muuse Mar uun Dhulka Jiido.

Xubnahan 15-ka ee shalay uu wasiir Samaale shalay jeebka ku shubtay, ayaan ahayn Halgamayaashii xisbiga Kulmiye, waxana ay u badan yihiin Xubno socod-barad ah oo siyaasadda ku cusub, kuwaas oo intii xisbiga Kulmiye Talada la wareegay soo galay saaxadda siyaasadda.

Tallaabadan Xisbiga Kulmiye Qaaday ee uu Iyadoon la is gaadhin ku kala jabay, ayaa caddayn u ah Hadallo uu hore Mujaahid Cali-gurey ugu sheegay inay badan doonaan Sariiraha dhaawaca Kulmiye La dhigaaa, waxana ay umadda reer somaliland  haatan yaqiinsatay in xisbiga dhexdiisa uu loollan badani ka jiro oo ay adagtahay in wax la isku raacsan yahay ay soo baxaan.

Iyadoo ay maalmuhu is Gurayaan, islamarkaana ay dhawdahay xilligii lagu waday in shirweynaha xisbigu Qabsoomo, ayaa waxa lagu kala Fogaaday Doorashada Cidda Hoggaamin Doonta Guddida Qabanqaabada, iyadoo uu wasiir Samaale Geed Dhee iyo Mid Gaabanba u fuulay sidii uu yeelan lahaa Guddoomiyaha Guddidaas, waxana la Arkayaa In Xaraaradda Kulaylka Xisbiga Dhexdiisu Haatan uu  si rasmi ah u bilaabantay, balse waxa laga dhursugayaa meesha ay Biyo Dhigan doonto.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed