|

Kenya oo shan ruux u haya weeraradii Westgate Mall

Nairobi Oct 31,2013(SDN)-Ciidamada dalka Kenya ayaa u haya shan ruux weerarkii lagu qaaday xarunta ganacsiga ee westgate Mall ee bishii hore.

Xeer ilaalinta ayaa sheegay in shantan ruux sida ugu dhakhsiyaha badan loogu soo oogi doono debiyo la xiriira fal danbiyeedkaas.

Ndegwa Muhoro oo ah madaxa denbi baarista ciidamda Booliska ee Kenya ayaa sheegay in weli ay socdaan baaritaano lagu sameeynayo fariimo qoraal ah oo la isku weydaarsaday mobilda maalmo uun ka hor weerarkii Westgate Mall.

Muhoro ayaa sheegay in afartii ruux ee weerarka qaaday in ay ku dhinteen dagaalka ee aaney jirin dersin weerarka ku lug lahaa.

Muhoro ayaa sidoo kale sheegay in ruux uu la hadlay dalka Norwey,mana uu bixin wax faahfaahina.

Afarta ruux e weerarka geystay ayaa waxaa ka mid ahaa Xasan Cabdi Dhuxuloow oo heysta dhalashada dalka Norwey.

Ciidamada amaanka ee haya shantan ruux ayaa shaacin wax faahfaahina oo la xiriira cida ay yihiin iyo wax cadeyn ah oo lagu hayo.

SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed