Madaxweynaha Punt land oo Kulan la Qaatay Wefti Ka Socday Qaadhan bixiyeyaasha kana wada hadlay Mashruuca New Deal
Garowe 30.October 2013 (SDN)- Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Shiikh Maxamed Farole ayaa kulan kula qaatay xarunta Madaxtoyada Puntland ee Garowe wafdi ka socday deeq bixiyaasha Midowga Yurub iyo Bankiga Aduunka kuwaasi oo ka koobnaa lix xubnood.
Wasiirka Qorshaynta Puntland Eng.Maxamuud Caydiid Dirir ayaa faahfaashay kulanka ka dhacay madaxyoyada oo uu sheegay inuu ahaa mid la isla meel dhigayo qabka loo hirgelinayo barnaamijka Hiigsiga Cusub (New Deal) oo dhowaan Shirkii lagu soo gabogabeeyay Brussels.
Puntland waxay sheegtay inay u gudbisay deeq bixiyaasha baahiyaasheeda gaar ahaa dhinacyada Amaanka & Garsoorka, waxbarashada, caafimaadka, horumarinta degmooyinka iyo maalgelinta wax soo saarka khayraadka dabiiciga.
Waxa uu sheegay wasiirku in dhowaan uu ka dhici doono magaalada Garowe shirwayne daba socda barnaamijkan New Deal oo uu tilmaamay in deeq bixiyaashu ka so qaybgali doonaan iyo xubno ka socda Beesha Caalamka.
Garowe SDN.
Qurbejoog.com