|

Xisbiga Kulmiye oo durba uu ka Dhex Curtay Khilaafkoodii kadib markii ay kala Jabeen Gudidii Qaban qaabada Shirweynaha 3aad

Hargaysa 30.October 2013 (SDN)- Guddida qaban qaabada shirweynaha Xisbiga Kulmiye ayaa kulan ay goor dhaweyd magaaladda hargeysa ku yeesheen ku doortay hogaanka Rasmiga ah ee hagi doona hawlaha qaban qaabada kuwaas oo kala ah Guddoomiye, ku-xigeen, Xoghaye iyo Af-hayeen.

Guddidi waxay Guddoomiye u doorteen Abuubakar Xaamud Jibriil, Guddoomiy ku-xigeen Xildhibaan Saleebaan Cabdi Cali Bukhaari, Xoghaye C/raxmaan Maxamuud Caraale halka Af-hayeen loo doortay Sahal Maxamed Jaamac.

Fadhiga lagu doortay xubnahan hogaanka guddida qaban qaabada Shirweynaha oo ay ka soo qayab galeen shan iyo toban Xubnood waxa guddoominayay xubinta ugu da’da weynayd oo ahaa Yuusuf Guruje.

Yuusuf Guruje ayaa xaadiriyay xubnaha u tartamayay jagooyinka waxaanu cod gacan taag ah galiyay doorashadooda iyadoo mid mid loogu codeeyey afar iyo toban xubnood.

Xubnaha la doortay ayaa ku guulaystay aqlabiyadda codadkii shan iyo tobanka ahaa iyada oo aanu marna Guddoomiye Guruje codaynin waxaanu mid kastaa ku Ansaxay sidaasi.

Abuubakar Xaamud Jibriil ayaa isla goobtii ka hadlay waxaanua mahadnaq balaadhan ujeediyey xubnihii ka soo qayb galay fadhiga lagu doortay xubnaha hogaanka ah isagoo balan qaaday xilka loo dhiibay in ay uga soo bixi doonaan sida ugu haboon.

Labada Garab ee Xisbiga Kulmiye Gudidiisu u kala Jabtay ayaa garabkan wax doortay waxaa Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi uu u diiday inay Fadhi ku Yeeshaaan Xarunta Xisbiga

kulmiye9 kulmiye8 kulmiye7 kulmiye6 kulmiye5 kulmiye4 kulmiye3 kulmiye2

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed