Ergeyga Jaamacada Carabta ee Syria:Hadii lagu guuldareysto wadahadalada Syria dalkaasi waxa uu noqonayaa sida Soomaaliya
Dimishiq Oct 30,2013(SDN)-Ergeyga gaarka ah ee Jaamacada Carabta Lakhdar Brahimi ayaa maalinimadii Talaadada ka digay in ay dhacdo in la “Soomaaliyeeyo”xaalada dalka Syria.
Wareysi uu bixiyay Brahimi ayuu waxa uu ku sheegay in hadii lagu guul dareysto in xal laga gaaro xaalada dalka Syria ay dhici kareyso in bariga dhexe uu ka soo baxo dal fashilmay,
“Khatarta dhabta ah waa in Syria la “Somaaliyeeyo”maba ay ka xumaato kana sii dheerato ta Soomaaliya ee aanu aragnay”ayuu yiri Mr Brahimi oo u waramayay Jeune Afrique.
Lkhtar Brahimi ayaa hadalkan sii daayay xili uu ku guddo jiro qaban qaabada wadahadalada mucaaridka iyo muxaaafidka Syria.
Dhinacyada kala duwan ee siyaasada dalka Syria ayaan ilaa haatan isla qaadan idaamka lagu hagayo
wadahadalada lagu wado in Geneva lagu qabto bisha danbe gudaheeda.
SDN-Dimishiq
contact@somalidiasporanews.com