Gobolnimadii Gabiley oo Xukuumaddu Muran Gelisay+Golihii Deegaanka oo Badankiisii Xabsiga Lagu Guray+Dadweynaha oo Xalay U Hoyday Xabsiga Hortiisa
Gabiley:30-Oct-2013(SDN)-Kow iyo Toban Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada Gabiley ayaa shalay xabsiga loo taxaabay ka dib markii ay ka gadoodeed xadhig sharci darro ah oo xukuumaddu kula kacday xildhibaan ka tirsan Golaha Degaanka Gabilay.
Xadhiga xildhibaanka ayaa dabasocday muran la sheegay inuu dhex maray Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Md. Sacad Cali Shire iyo Xildhibaan Xasan Axmed Maxamed (Dhagjar) , kaasoo salka ku hayay Tirokood lagu diwaangalinayay dadweynaha reer Somaliland oo wasaaradda Qorshaynta Qaranku ay bilaabmayay degmada Gabilay.
Murankan ayaa ka dhashay kulan wasiirku Odayaasha , Waxgaradka iyo Maayarka Gabilay kula yeeshay xarunta Golaha Degaanka Gabilay, oo uu wasiirku kulankaas kaga bixinanay tafaasiil ku saabsan qaabka ay wasaaradda Qorshayntu ugu talo gashay Diiwaangelintu inay u qabsoonto, taas oo Bulshada iyo Maamulka Degmada Gabilay kala horyimaadeen Diiwaangelintan cusub diidmo qayaxan oo ku wajahan qaabka Wasaaradda Qorshayntu u maamushay hawlwadeenada Tirakoobka ka fulinaya magaalada Gabilay oo dhammaantood ka yimid Hargeysa.
Wasiirka Qorshaynta Qaranka ayaa la sheegay inay kasoo yeedhay inaanay wakhtigan Gabilay u xisaabsanayn Gobol ahaan, balse mashruucan tirokoobka loo aqoonsan yahay degmo ka tirsan Gobolka Maroodijeex.
Haddalka kasoo yeedhay wasiirka Qorshaynta oo ay ka biyo diideen Waxgaradkii iyo masuuliyiintii uu u waramayay ayaa sida la sheegay xildhibaan dhagjar uu wasiirka si toos ah u weydiiyay maadaama aanay gobol u xisaabsanayn waxa uu ka qabanayo Badhasaabku Gabilay.
Ciidamada Booliska ee Gabilay ayaa shalay xabsiga u taxaabay xidhibaan xasan Dhagjar, kadib markiii xadhigiisa uu amray badhasaabka Gobolka Gabilay Yuusuf ibraahin Geedi, kaas oo xildhibaanka ku eedeeyay inuu ku kacay falal lidi ku ah nabadgelyada isla markaana sameeyay abaabul iyo kicin bulsho.
Fiidnimadii Xalay oo Wasiirka Arrimaha Guduhu amray sida la sheegay in xoriyadiisa loo soo celiyo xildhibaanka la xidhay ayaa si toos ah ay uga hor yimaadeen toban xildhibaan oo ka tirsan golaha Degaanka Gabilay, iyaga oo ku dooday inaanu xildhibaan dhagjar ka baxay xabsiga ilaa la sheego sababtii loo xidhay iyo sharciyada lagu xidhay, taasi oo tobanka xildhibaana ay xadhigii kula biireen xildhibaankii hore ugu xidhnaa xukuumadda.
Xidhiidho markii ay arrintaasi dhacday aanu la samaynay qaar ka tirsan xildhibaanada golaha degaanka Gabilay, ayaa si ba’an u cambaareeyay falaka xukuumaddu kula kacday xildhibaanka ka tirsan golohooda, isla markaana ku tilmaamay fal gebi ahaanba ka baxsan isla markaana baal marsan sharciyada dalka u taal.
“waxaan cambaaraynayaa falkii lagula kacay xildhibaan Xasan dhagjar,oo aanu haba yaraatee ka gole deegaan ahaan aanaan ogayn wax dambi ah oo uu galay, sifo sharci ah oo loo maray oo jirtaana aanay jirin.” Sidaa waxa yidhi Xildhibaan Caydaruus Cabdilaahi Sheedaal. Waxaanu itaa raaciyay; waxa aanu aad uga xunahay ka gole deegaan ahaan falkaa lagula kacay Xildhibaan Xasan,oo maanta (shalay) inta uu Badhasaabku shir jaraa’id qabtay, uu yidhi ninkaasi (Xildhibaanka xidhan) waa uu waalan yahay.”
Waxa kale oo ka hadlay arintan xildhibaan Axmed Siciid Kibaar, oo sheegay in Xildhibaan Xasan la marmarinayo arrin aanu galin. waxaanu ku tilmaamay in ay tahay wax laga xumaado.
Xildhibaan Iid Xasn Cabdi ayaa isna ka hadlay arrintan oo sheegay in falka lagula kacay Xildhibaan Xasan uu yahay mid qayrul sharci ah, isla markaana sharciga Somaliland meelna kaga jirin. Waxaana uu sheegay in haddii sharciga dalka la dhowri waayo ay ayaan darro dhici doonto; “haddii sharciga la ilaalin waayo madaxweynuhu madaxweyne ahaanmaayo, oo waa ayaan darro in maalinba xildhibaan la xidho ama la rasaaseeyo, haddii ay taasi timaadana nin walbaaba reer ayuu noqon “ ayuu yidhi Xil. Iid. Waxaana uu badhasaabka uu usoo jeediyay,in aanu Xildhibaanku ahayn shicib balse uu yahay mid lasoo doortay oo cod umadeed ku fadhiya,xaqna u leh in uu ka hadlo danta umada.
Guddoomiyaha Gobolka Gabilay Yuusuf Ibraahin, oo aanu wax ka weydiinay Arrinta xadhigan xildhibaanka iyo sharciyada uu u maray ayaa sheegay in xildhibaan Xasan Dhagjar Ciidamada Booliska Gabilay ay xabsiga u taxaabeen isaga oo fal amni darro faraha kula jira sidaana uu ku xdidhan yahay.
Geesta kale Bulshada reer Gabiley ayaa xalay soo buux dhaafiyey Saldhiga dhexe ee Magaalada Hortiisa iyaga oo ka gadoodsan tallaabada xukuumaddu ku xidhay Xildhibaankooda iyo Jawaabta ay xildhibaanada kale kaga jawaabeen amarka badhasaabka.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com