Xil. Qabille Oo Ka Hadlay Nin Labaad oo Loo Qabtay Weerarkiisii Iyo Warcelin La Xidhiidha Wasiirradii Uu Ku Eedeeyey Falkaas
Hargeysa:30-Oct-2013(SDN)-Ciidamada ammaanka Somaliland ayaa shalay gacanta ku dhigay nin kale oo ka mid ah shan Nin oo ku eedeysan Weerar 21-kii bishan lagu qaaday Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo markii hore sarkaal Ciidanka ka tirsan oo qudha loo haystay, balse hada la sheegay inay qayb ka ahaayeen tiro afar nin oo kale oo uu ku jiro kan la soo qabtay.
Sida ay sheegayaan wararka aanu helaynaa ninkan la qabtay oo magaciisa lagu sheegay Ismaaciil oo ka mid ah Eedeysaneyaasha weerarka xildhibaanka ku wehelinayay Tabaarig Maxamed Ducaale, ayaa shalay laga soo qabtay deegaanka Dacar-budhuq, halkaasoo laba maalmood ka hor laga soo qabtay Ninkii falkaasi qirtay ee Askariga ah.
Ninkan ayaa la sheegay in markii Xildhibaanka Rasaasta lagu riday uu isagoo hubaysan ku jiray Gaadhi ay wateen shanta uu ku jiro ee Kiiskan ku eedeysan, waxaana la sheegay inay wali bilaysku raadinayaan saddex kale ee maqan.
Dhinaca kale, Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo ah Dhibanahan raga loo soo xidh-xidhay, ayaa markii ugu horaysay soo dhaweeyay hawl-galka hay’adaha amaanku ku soo qab-qabteen Nimankaasi.
Xildhibaanka ayaa sheegay in nimanka kale ee la raadinayaa la socdeen Tabaarig markii uu rasaasta ku riday, waxaanu dhanka kale jawaab ka bixiyay hadalo ka soo yeedhayay maalmahan wasiirrada xukuumadda ee uu la xidhiidhiyay inay soo maleegeen weerarka lagu soo qaaday. “Shan Nin oo hubaysanbay ahaayeen oo Gaadhi wada watay oo kan markii hore la soo qabtay ku jiro, kuwa kalena waa lagu daba jiraa, si wanaagsana ilaa hada kiisku wuu u socdaa si baaadhistu u noqoto mid xogteeda loo wada halona waxaan ku boorinayaa hay’adaha amaanku inay soo qabtaan kuwa kale ee maqan”ayuu yidhi Xildhibaan qabille.
Waxaanu intaasi raaciyay isagoo Hay’adaha amaanka bogaadin u diraya “Ilaa hada sida hawshu u socoto waan ku kalsoonahay, waanan soo dhaweynayaa, waxaanse bilayska ku adkeynayaa in la dedejiyo, dhamaan dadkii ka dambeeyay weerarkii laygu soo qaaday 21 bishan”.
Xildhibaan Qabille ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay hadalada ka soo yeedhay Wasiirka Warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse iyo Wasiir ku-xigeenka amniga Cabdilaahi Abokor, kuwaasoo eedeyn uu weerarkiisa uga jeediyay ka dib, kaga jawaabay inaanay wax lug ah ku lahayn falkaasi, isla markaana Hay’adaha Garsoorka uga dacwoonayaan, Xildhibaan qabille. “anigu Kiiskayga waan tegay hay’adaha baadhista wixii aan u gudbiyayna waan u gudbiyay, laakiinse Nimanka kiiska ku eedeysan ee dafirayaa haday ka doodayaan horta ha iska baraxeen, maxay Hay’ado sharci hortegi iyagiibaa dil loo haystaaye, Nin dil loo haystaa siduu u dacwoon karaa, horta ha iska dul qaado tan lagu haysto”ayuu Xildhibaan qabille sheegay.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com