Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Oo Gelbis Iyo Gaaddo-ka-ciyaar Ku Soo Dhaweysay Xildhibaan Ka Tirsan Dawladdda Somaliya Oo Cadquudheed Muqdisho Ka Soo Qaaday
Hargeysa:30-Oct-2013(SDN)-Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Oo maalinba Maalinta ka Dambaysa Hoos u sii Dhigaysa Qaddiyadda Madax-bannaanida Somaliland, ayaa Markanna Ku Tallaabsatay Arrin kale Oo Hoos u dhac iyo Karaamo darro ku ah Qaddiyadda Somaliland.
Xukuumadda ayaa Maalinnimadii Isniintii Gegida Diyaaradaha ee Cigaal International Airport Xildhibaan Farxaan Xiddig oo ka mid ah Xildhibaanada Dawladda Federalka ah ee Soomaaliya.
Xildhibaan Farxaan Xiddig oo ka mid ah Xildhibaanada Barlamaanka Somaliyal, islamarkaana ka soo jeeda Gobolka Awdal ee Somaliland, ayaa soo dhaweyntiisa loo Igmaday Wafti uu Hoggaaminayo wasiirka ciyaaraha somaliland Cali Siciid Raygal oo isaga iyo saraakiil kale oo wasaaradiisa ka tirsani ku soo dhaweeyeen somaliland.
Isla markiiba waxa masuulkan xilka ka haya Dawallada Federalka Soomaaliya Loo Gudbiyey Xarunta wasaaradda Ciyaaraha, waxana uu Halkaas ku wareejiyey Hadyad-ku-sheeg ka Kooban Tiro Kubado ah oo uu ka keenay Dhinaca Xukuumadda ka tirsan yahay ee Soomaaliya.
Masuuliyiinta wasaaradda Ciyaaraha ayaa iyagu Galbis laxaad leh u sameeyey masuulkan, waxana ay ka bixinayeen sawir dhiirrigelin kara kumanaan qof oo muwaadiniinta reer somaliland ahi inay Xilal ka raadsadaan Dhinaca Dawladda Federalka ah ee soomaaliya.
Dhanka Kale Kartoomada Kubaduhu ku jireen ayaa waxa ku qornaa Mucaawimo Somaliya logu talllo galay, iyada oo xildhibaanku ka keenay Magaalada Muqdisho oo u saaka ka soo duulay, waxana la sheegay in magaalada Muqdisho madarkeeda lagu qabtay Xildhibaanka oo loo diiday in uu Somaliland kubadaha uu keeno, basle markii danbe ayaa la sheegay in uu Ogolaansho uu ka helay Wasarada Ciyaraha ee Somaliya loo soo dhiibay Kubadahaasi, waxana taasi caddeynaya in Duulimaadkii diyaaradasi siday Farxan xidig ay dib u dhacday ka dib markii khilaaf arrintasi ka dhashay
Xildhibaan Xiddig oo ka hor intii aanu xildhibaanka Noqonin ahaan jirey Fannaan, ayaa intii dambe ku mashquul sanaa siyaasadda Dawladda Federalka Somaliya, waxase markii Galbiskiisa lagu jirey uu iska dafiray inuu wax xil ah ka hayo dawladda Federalka ah ee Somaliya, isagoo ku andacooday kaliya inuu yahay fannaan soomaaliyeed oo aan xuduud lahayn, taasoo oo uu wasiir Raygal waji farxad leh kaga jawaabay.
Xildhibaankan ayaa Tiradan Kubadaha ee uu keenay uga dan lahaa inuu ku dambabaso Khaa’inul waddaniyadda uu Sameeyey, sidoo kale waxa uu ishaaqsaday sida Hoggaankan maanta joogaa aanay ugu adkayn Qaddiyadda somaliland, iyadoo horeba loo Ogaa in Dabarkii xukuumaddu ka furtay dadka dhinaca koonfurta u Doola la Ogaa dhibaatadii ay keeneen iyo sida dad badani ugu arkeen inay fasax u haystaan soomaalinimada.
Xildhibaan Farxaan Xiddig ayaa sidoo kale somaliland haatan ku soo Galay Cad-quudheed, waxana uu shucuubta somaliland ee uu ka soo jeeda ka dhigay qaar qaddiyadoodda dhaafsan kara Tiro kubado ah oo waliba Dabbaal deg iyo Gaaddo ka ciyaar ugu daraya cidda ka hortimaada.
Arrinta yaabka leh ayaa ah sida ay xukuumaddu u ogolaatay inay xildhibaankan ugu oggolaato inuu waddanka soo Galo, maadaama uu ka tirsan yahay xukuumada ka soo horjeedda jiritaanka somaliland, waxase la yaab Noqotay in xaflad iyo soo dhaweyn sidaas u ballaadhan loogu daro, islamarkaana lagu maamuuso deeq sidaas oo kale u liidata.
Marka la eego hannaankii xukuumaddu u soo dhaweysay xildhibaankan aan, ayaa waxa muuqata inuu masuuliyiin xukuumadda ka tirsan la soo xidhiidhay intii aanu waddanka soo Gelin, taas ah inuu isku hallayn iyo Ogolaansho ku soo galay waddanka lagana ballamay in soo dhaweyn iyo munaasibado gaar ah loo samayn doono.
Xildhibaan Farxaan Xiddig oo tan iyo markii uu jagada xildhibaanka dhaxlay markii ugu horraysay somaliland yimi, ayaa ku farxay sida loo soo dhaweeyey, waxana uu islamarkiiba ku Gudbay dhinaca Gobolka Awdal ee uu ka soo jeedo, isagoo sheegay inay Hooyadii halkaas ku xanuunsanayso, waxana loo sii Galbiyey dhinaca Borama.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com