“Hay’adda UNFPA Oo Hawshan Naga Caawinaysaa waxay ku salaysay 18-kii Gobol Ee Somalia, laakiin Annagu…..” wasiir sacad cali shire
Hargeysa:30-Oct-2013(SDN)-Masuuliyiinta wasaaradda Qorshaynta qaranka iyo Horumarinta somaliland, ayaa markii ugu horraysay si rasmi ah uga Hadashay Tirokoob Muran dhaliyey oo Wasaaraddu ka waddo Gobollada iyo Degmooyinka Somaliland.
Masuuliyiinta oo maalintii shalay qaar ka mid ah warbaahinta kula hadalayey Xaruntooda Magaalada Hargeysa, ayaa tilmaamay in Hawshan wasaaraddan Wasaaraddu waddaa tahay mid in muddo ah soo socotay oo wax tar u leh guud ahaanba qaranka somaliland iyo dadkiisaba.
Wasiirka wasaaradda Qorshaynta qaranka Dr Sacad Cali Shire oo Halkaas ka hadlay, ayaa ugu horrayn faahfaahin ka bixiyey ujeeddada laga leeyahay Barnaamijkan wasaaraddu waddo, “Waxanu faraha ku haynaa mashruuc ballaadhan oo lagu mala-awaalaayo tirada dadka Heer Qaran iyo Heer Gobolba, waxana uu soo socday muddo, Gobol walbana Goobo gaar ah ayaa soo sameeyey, waxana la gaadhay wajigii labaad oo ah in tago goobihii la calaamadiyey, si looga soo qaado xogta.” Ayuu yidhi Wasiir sacad cali shire.
Wasiir Sacad Cali shire ayaa tallaabadan haatan dalka laga wado ee tirada dadka wax lagaga ogaanayo ku tilmaamay mid laf dhabar u ah horumarka dalka, waxana hadalladiisii ka mid ahaa, “hawashani waa shaqo laf-dhabar u ah Horumarkeena, waayo Haddii aan la garanaynin tirada dadkeena ku sugan Magaalooyinkeena iyo Degmooyinkeena way inagu adkaanaysaa sidii loogu qorshaynayn lahaa Adeegyada Aasaasiga ah Bulshadeena sida Caafimaadka iyo Waxbarashada.”
Wasiir Sacad waxa uu dadka ku boorriyey inay si Buuxda ula shaqeeyaan dhallinyada Hawshan Gacanta ku Haysa, waxana uu meesha ka saaray in arrintan looga Gol leeyahay in dadka tiradiisa si qoto dhee loogu sameeyo ama doorashooyin lagu galo, waxana uu yidhi,“ Ujeeddo kale oo xogtaas la ururinayo laga leeyahay ma jirto, Tiro Koobna ma aha, wax shaqo ku leh Doorashooyin iyo wax la qaybinayo midna ma aha, dadkuna waa inay dhallinyarada arrintaas Gacanta ku haysa soo Dhaweeyaan oo la shaqeeyaan.”
Mar uu wasiir Sacad ka Jawaabayey Su’aal warbaahintu Ka Weydiisay wararka sheegay in Hawshani salka ku hayso 18-kii Gobol ee Soomaaliya, ayuu ku qirtay in arrintaasi jirto, waxase uu tilmaamay in iyagu ay si kale wax uu maareeyeen, waxana uu yidhi, “arrinka 18-ka Gobol Waa Run oo Hay’adda UNFPA oo hawsha naga caawinaysaa sidaas ayey ku salaysay, laakiin annagu waxanu ku salaynay 6-kii Gobol ee sharciga ahaa.”
Marnaamijkan Male-awaalka ah ee ay wasaaradda Qorshaynta qaranku waddo, ayaa muran badan ka dhaliyey meelo ka mid ah somaliland, waxana jira meelo aan wali laga Bilaabin sida Gabiley oo kale, waxase uu Wasiir Sacad arrimaha noocaas oo kale ah u sibir saaray Wacyigelin la’aan iyo kala daadsanaan dhinacooda ah, waxana uu tilmaamay inay Hadda ku rajo weyn yihiin inay arrimuhu si habsami ah u socon doonaan.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com