Madaxweynaha Punt land C.raxmaan Faroole oo Tababar u Xidhay Ciidamada Asluubta ee Punt land
Garowe 29.October 2013 (SDN)- Madaxwaynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Farole ayaa maanta tababar mudo saddex asbuuc u socday qaar ka mid ah ciidanka Asluubta ugu soo xiray xarunta cusub ee taliska asluubta duleedka magaalada Garowe.
Askartaan ayaa waxaa la barayay casharo kala duwan oo ku aadan qaabka loola dhaqmo maxaabiista ,sida loo qabto qofka dambiilaha iyo waliba sida looga hortago falalka amaanka lidiga ku ah, waxana kasoo qayb galay madaxwaynaha Puntland,Wasiirka Cadaalada,Taliyaha ciidanka Asluubta iyo saraakiisha amaanka.
Saraakiil ka socday UNODC ayaa tababarka bixinyay, Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland Gen.Cali Nuur Cumar ayaa sheegay inay ku rajo wayn yihiin sidii loo heli lahaa ciidan tababar iyo tayo leh.
Madaxwaynaha Dowlada Puntland oo tababarka soo xiray ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay tababarka kala duwan ee la siiyay ciidanka asluubta Puntland,wuxuna raacshay inay wax badan ka badali doonan baahida loo qabay aqoonta dhanka asluubta iyo in kor loo qaado tayada ciidanka.
Madaxwaynaha ayaa sidoo kale uga mahad celiyay saraakiisha tababarka bixinayay oo in mudo ah ku hawlanaa sidii kor loogu qaadi lahaa tayada ciidanka,wuxuna sheegay inay ka go’an tahay in Puntland laga wada dhiso xabsiyo heer caalamiya oo lagu hayo dadka maxabiista ah.
Intaasi ka dib madaxwaynaha Puntland ayaa soo indho indhayeeyay xabsiga wayn ee laga dhisayo magaalada Garowe,kaasoo hada maraya heer gabo gabo ah, wuxuna sheegay xabsigaani inuu yahay mid ka duwan kuwo ku yaala dalka gudihiisa,ayna u dhan yihiin dhamaan adeegyada xabsiyada.
Garowe SDN.
Qurbejoog.com