Weftigii Wasiirka Arrimaha Dibada oo La Kulmay Dhigiisa Masar una Kicitimay Wadanka Ingiriiska
Qaahira 29.October 2013 (SDN)- Weftigii uu hogaaminayay Wasiirka arrimaha dibedda ee Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yuunis ayaa la kulmay Wasirka arrimaha dibedda Dalka Masar Mr Nabiil Fahmi.
Kulanka labada wasiir oo ka dhacay xarunta wasaaradda arrimaha dibedda maser wuxuu qaatay muddo saacad ah halkaasi oo lagu lafo guray xidhiihdka taariikhiga ah ee labada dal wadaagaan iyo arrimo badan oo wasiirka khaarijika somaliland u bandhigay wasiirka maser arrimahaasi oo dhamaanba laga wada heshiiyey.
Kulanka wasiirka arrimaha dibedda maser ka bacdi waxaa uu wafdiga somaliland kulan balaadhan la yeeshay jaamicada carabta qaybaheeda kala duwaan gaar ahaan qaybta dalalka afrika iyo carabta
Madaama oo uu agaasimaha guud ee jaamicada carabtu Mr Al carabi uu safar dag dag ah oo shaqo ah oo dibedda ah u baxay waxaa wafdiga lagu balamiyay in ay la kulmaan safiir Samiir Xusni oo ah xoghayaha jaamicada afrika u qaabilsan afrika iyo dalalka carabta eek u yala qaarada afrika iyo xubno kale oo badan oo ka socda jaamicada carabta halkaasi oo uu wasiirka arrimaha dibeddu u bandhigay qadiyada somaliland iyo rabitaanka shacabka somaliland ee dhinaca aqoonsiga ah iyo arrimo ku saabsan mashaariicda horumarineed ee ay jaamicada carabtu bixiso si ay somaliland ay qaybteeda u heli lahayd.
Kulamadaasi oo ku dhamaaday jawi dagan oo aad u sareeya waxaa la odhan karaa in u ahaa safar taariikhi ah oo lagu tagay dal weyn oo siyaasada dalalka carabta laga hogaamiyo iyaga oo wafdiga somaliland ay ku safreen markii labaad baasaboorka somaliland laguna viiseyay.
Abaaro 5:30 galabnimo waxaa wasiirka arrimaha dibedda somaliland u kicitimay xagaa iyo dalka UK halka wasiirka wax barashada Sam Sam Cabdi Adan iyo Mr Fahmi Qaasim oo arrimaha dibedda somaliland u qaabilsan xidhiidhka dalalka carabta ay ka ambabixi donaan Cairo caawa saqda dhaxa oo ay dalka soo gadhi donaa dalka malinta barito hadii alle idmo
Sidoo Kale maalinimadii Axada ee bisha 27-keeda, waftigu waxa uu kulamo la yeeshay Wasiirka Wax barashada dalka Masar MUdane Maxamed Abu Nasr iyo maddex ka tirsan wasaaradaasi kulankan oo lagu soo qaaday arrimo ku saabsan deeqaha wax barashada iyo kordhinta macalimiinta dalka Masar uga jooga dalka Somaliland
wasiirada somaliland waxay u sheegeen in waxbarashada dalka somaliland laga bilaabay meel hoose hadana u marayo marxalad aad u wanaagsan iyaga oo dhinaca masar ay ka dalbadeen in la kordhiyo tirada macalimiinta ah ee ka hawlgala oo waqtigan gaadhayaa 40 macalin kana dalbaday in tiradaasi la kordhiyo oo la gaadhsiiyo 100 macalin halkaasi oo wasiirka wax barashadu ka aqbalay .
dhanka kale wafdiga somaliland waxaa uu la kulmay manta sheekh Al azharka oo si balaadhan ugu soo dhaweeyay mashyakhada azharka halkaasi oo wada hadal dheer laga galay sidii al azhar uu dib hawlaha diinta iyo tacliintaba dib ugu bilaabo somaliland lana soo diri lahaa macalimiin dhinaca diinta ah iyo in ay dhisaan iskuuladii azhariga ah ee ka jiri jiray somaliland iyo arrimo kale oo badan oo laga wada hadlay oo jawi wanaagsan oo dagan ay ku dhamaadeen.
intaasi ka bacdi waxaa wafdga somaliland qado sharaf ugu sameeyay xarunta wasaaradda arrimaha diedda Masar wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda ee arrimaha afrika u qaabilsan Mr Hamdi Sanad Loza halkaasi oo kulan hor dhac ah oo gogolxaadh u ah kulanka
Qaahira SDN.
Qurbejoog.com