|

Shacabka Degmada Garadag Oo Qaadhaan Xad-dhaaf ah Ugu Baaqay Waddada Ceerigaabo-Burco

Garadag:29-Oct-2013(SDN)-Waxa Magaalada Garadag ayaamahanba ka socday Shir Ballaadhan oo lagaga arrinsanayey Sidii qaadhaan meel  mar ah loogu ururin lahaa Waddada Ceerigaabo iyo Burco isku xidha.

garadagSuldaan Carab Cabdi Cali  oo ka mid waxgaradka Deegaankaas, ayaa Sheegay in Shirkan lagu go’aamiyay Kun Neef oo Xoolo ah iyo lacag dhan boqol kun oo dollarka Maraykanka ah kaas oo ay kaga qayb qaadanayaan hirgalinta Wadadaas.

Warka waxa uu intaas ku darayaa in Shirka lagu go’aamiyay in Khasaarihii ka dhashay deegaanka God Heeli ay beesha deegaankaasi ku balanqaaday inay  muddo laba bilood gudahood ah ku soo bixiyaan Shan boqol oo halaad .

iyadoo Shirkaas lagu sameeyay laba Guddi oo loo kala xil saaray Gudida horumarinta degmada iyo Guddida Dhismaha Waddada Ceerigaabo, si beeshu qayb laxaad leh uga qaadato horumarka weyn ee waddada dib loogu dhisayo.

Waxaana shirkaasi ka hadlay Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiilada C.risaaq Siciid Ayaanle oo halkaasi ka akhriyay qodobada shirkaas ka soo baxay. Waxaana shirkaasi si mug leh uga dhex muuqday qurba joogta degmada Gar adag.

Degmada Garadag ayaa iyadu noqonaysa Degmadii ugu horraysay ee Xoolo iyo Lacag intaas le’eg ku baaqda inay keeni doonaan, waxana hore sidan oo kale baaqyo maaliyadeed ugu dhawaaqay shacabka reer Ceerigaabo.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed