Madaxweyne Siilaanyo oo furay Kulan lagaga arrinsanayo Deeqaha ay Somaliland Hay’adaha Caalamiga ahi
Hargaysa 29.October 2013 (SDN)- Madaxweynaha j s l Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo) ayaa maanta magaalada Hargaysa ka furay kulan xukuumada somaliland iyo Hay’adaha caalamiga ah ee dalka ka hawlgalaa kaga arinsanayaan deeqaha somalialnd ka hesho beesha caalamka iyo qorshaynta deeqaha maaliyadeed ee sanadka soo socda ee 2014ka..
Kulankan oo ay kasoo qeyb galeen hayadaha caalamiga ah ee ka hawl gala Somaliland , xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo masuuliyiin kale ayaa waxa lagaga arisanayay sidii qiimayn loogu samayn lahaa deeqaha hayadaha caalamiga ah eek u wajahan Somaliland wixii ka qabsoomay iyo sidii loo qorshayn lahaa deeqaha sanadka soo socda ee 2014 ka .
Waxa kale oo kulanka layskula eegi doonaan xukuumada Somaliland iyo hayadaha caalimiga ahi mashaariicada hayaduha caaliamiga ahi ay ka fuliyaan dalka.
hadal uu ka jeediyay madaxweynaha j s l mudane axmed maxamed maxamuud siilaanyo kulankaasi ayaa waxa uu kaga waramay ujeedada kulanka isagoo sheegay in waxa ay isagu yimaadeen xukuumad iyo hayado ahaan in ay tahay sidii loo astayn lahaa hanaanka wada shaqayaneed ee ka dhaxaysa Somaliland iyo ururada ka shaqeeya mashariicada horumarineed ee dalka , kuwaas oo lagu salaynayo qorshayaashii ay xukuumada somaliland ay hore u soo diyaarisay .
madaxweynuhu waxa uu xusay in labaatankii sano ee u danbeeyay ay Somaliland u soo dhismayay dhamaan qeybihii haykalka dawladnimo isla markaana dalku leeyayhay dastuur iyo qawaaniin lagu hago bulshada waxaanu madaxweynuhu sheegay in Somaliland ay ku taagan tahay jidkii horumarka gacana ay ka sugayso beesha caalamka.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay in wadaan qorsheyaal lagu dar dargalinayo horumarinta koboca dhaqaale ee dalka, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa
Geesta kale waxa halkaasi ka hadlay wasiirka wasaarada maaliyadda mudane cabdicasiis maxamed samaale oo a waramay in sedexdii sano ee xukuumadani ay talada dalka hogaaminaysay in miisaniyadihii dalka uu ku imanayay kor u kac isa soo taraya oo gaadhay misaaniyad sanadeedka 2014 heerkii ugu sareeyay waxaana uu u jeediyay hayadaha caalamiga ah ee taageera Somaliland in ay taageero toos ah siiyaan Somaliland si miisaniyada qaranka loogu daro.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com