|

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska oo u Kuurgalid ku Sameeyay Hawl Socodka Bilicda Caasimada

Hargaysa 29.October 2013 (SDN)- Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha Muadane Cali Mamxamed  Warancadde oo uu wehelinayo taliyaha ciidanka Booliiska J S L Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa  kormeer kusoo maray  sida ay u socoto hawsha kor loogu qaadayo bilicda Caasimada Hargaysa oo ay wado dawlada hoose ee Hargaysa.

Cali WarancadeeeHawsha kor u qaadista bilicda Caasimada Hargaysa oo ay wado Dawlada Hoose ee Hargaysa ayaa wejigeedii koowaaad laga bilaabay wadada wadnaha ee magaalada halkaasoo duqa caasimada  Hargaysa  mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Maydiid uu ku qaabilay wasiirka  arimaha gudaha iyo taliyaha ciidanka Booliiska j s l kuna siiyay warbixin ku saabasan halka ay marayso dib u habaynta bilicda caasimadu   islmarkaana faah faahin dheer ka bixiyay  hawlaha ay wadaan baaxada ay leeg yihiin, waxaanu maayirka  caasimadu sheegay in kor u qaadida bilicda caasimadu in ay socon doonto  oo magaaladda guud ahaan lagu dhamaystiri doono, waxaanu intaa ku daray in gaadiidkii hawshaasi lagu qaban lahaa qaybtiisiii u horaysay ay shalay la wareegeen,.

Maayirku waxa uu sidoo kale sheegay in gaadiidka dab damisyada dawlada hoose soo iibsan doonto lacagta ugu badan ay bixisay dawlada dhexe  islamrakaana iyagu dawlad hoose ahaan ay ku dareen boqol kun oo dolar waxaanu sheegay in ganacsatadana laga sugayo kaalintii ay ka qaadan lahaayeen.

Wasiirka arimaha gudaha Md Cali Maxamed Warancadde oo halkaasi ka hadlay ayaa maayirka iyo hawlwadeenada dawlada hoose ugu mahad celiyay hawsha  dibu habaynta  bilicda magaalada   ee ay gacanta ku hayaan isagoo sheegay in uu u rajaynayo in ay ku guulaysan doonaan mashruuca lagu qurxinayo bilacda caasimada oo run ahaantii ah mid aad loogu baahnayahay maadaama caasimadu tahay muraayada dalka.

Taliyaha Ciidanka Booliska SomalilandWaxaanu wasiirku ka codsaday bulshada in ay dawlada hoose gacan ka siiyaan hawsha kor loogu qaadayo bilicda caasimda, waxaanu wasiirku gabagabdii usoo jeediyay shirkadaha isgaadhsiinta iyo korantada in ay habeeyaan xadhkaha ay mariyaan magaalada dhexdeeda kuwaasoo dhibaato weyn ku haya bilicda magaalada, waxaanu xusay hadii ay u hogaansami wayaan  digniinaha dawlada hoose in la dul saari doono ganaax  culus .

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed