|

Golaha Guurtida oo Meel Mariyay Xeerka Ciidanka Booliska Somaliland oo hore ay Golaha Wakiiladu u soo ansixiyeen

Hargaya 29.October 2013 (SDN)- Fadhigii maanta ee golaha guurtida oo uu shir gudoominayay gudoomiyaha golaha guurtida md saleebaan maxamuud aadan ayaa cod gacan  taag ah ku ansixiyay xeerka booliiska j s l . xeer lanbar 63-2013.

golaha GuurtidaXeerka booliiska xeer lanabr 63 2013 oo hore ay u ansixiyeen golaha wakiiladda j s l ayay wax ka badal iyo kaabis ku sameeyeen xildhibaanada golaha guurtidu waxaana cod gacan taag ah ku ogalaaday 45 xildhibaan , halka ay diideen 4 xildhibaan  islamrkaa ay ka aamuseen laba mudane gudoomiyuhuna aanu codayn waxaana madasha fadhiga ka soo xadiray 52 xildhibaan sidaas aynnu xeerka ciidanka booliiska j s l xeer lanbar 63 – 2013 uu ansax ku noqday.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed