Al-shabaab Oo Duqayntii Jilib Ka Sheegatay Jab weyn oo Soo Gaadhay
Jilib:29-Oct-2013(SDN-)Nin isku Magacaabay Abu Maxamed oo ka mid ah xubnaha Al shabaab ayaa Waraysi uu Siiyey Wakaalada Wararka Associated Press (AP) ku qiray in duqeyn shalay loogaga dilay saraakiil muhiim ahaa oo ururka u qaabilsanaa hawlo gaar ahaa.
Abu Maxamed ayaa sheegay in duqeynta ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Shabellaha dhexe ay jirto islamarkaana uu cadeynayo rag shabaabka saraakiil ahaa in la dilay.
“Mid kamid ah saraakiisha Al shabaab kuwooda sar sare khaaligana ahaa ayaa geeriyooday waliba shakhsiyaadka aadka loo jecel yahay ee shabaab looga dhex yaqaano (Cantaa,waa khubarada hogaanka heysa) sidaa waxa AP u xaqiijiyey Sargaalka la yidhaahdo Abu Maxamed.
Sidoo kale weerarka oo ka dhacay inta udhaxeysa Jilib iyo Dhaay tubaako ayaa lasoo warinayaa in khasaaro bur bur xoogan ah gantaalada diyaaraduhi ridayeen uu dhulka cagaha udhigay baabuurtii saraakiishaasi wateen.
Sargaal katirsan Sirdoonka Somaliya oo magaciisa aan la sheegin ayaa AP soo xiganeysaa isagoo sheegaya in xubnaha duqeynta loogeystay ay usocdeen dhex dhexaadinta qabaa’ilo dagaal dhexmaray dhawaan.
Horaantii bishan Oktoobar ayaa waxay weerar ku qaadeen kumaandoosta Mareykanka magaalada Xeebta leh ee Barawe oo ku taalla Koonfurta Somaliya,waxaana dhowr jeer weeraro cirka ah ka fuliyeen reer galbeedka Somaliya iyagoo badhtilmaameedsanayey Xubno katirsan Al Shabaab.
Khasaarahan haatan la sheegayo in la gaadhsiiyey ayaa waxa uu noqonayaa midkii ugu cuslaa ee in Muddo ah dhabarka loo saaro kooxdan, waxana ay tani caddayn u tahay in kooxdani mar walba halis ugu jirto in si fudud duqaymo culculus loogu geysan karo.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com