Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamed Oo Habeenkii Xalay U Duulay Waddanka Turkiga
Muqdisho:29-Oct-2013(SDN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Fiidkii Hore ee Xalay ka ambabaxay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde,isagoo ku sii jeeda dalka Turkiga.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casuumaad rasmi ah ka helay madaxweynaha dalka Turkiga mudane C/lla Guul, waxana la filayaa in halkaas ay ku yeeshaan wadahadallo dhinacyo badan taabanaya.
Labada madaxweyne ayaa yeelan doona kulan ay kaga wada hadlayaan xidhiidhka u dhaxeeya labada dal iyo mashaariicda horumarineed oo ay dowlada turkiga ka wado Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta badan si joogto ah u gaadha waddanka Turkiga oo haatan ay saaxiib dhaw yihiin Dawaladdiisa, waxana haatan sida muuqata uu Turkigu si ba’an ugu hawllan yahay mashaariic wax ku Oool ah oo uu Guud ahaanba soomaaliya ka wado.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com