|

Hargeysa oo Amaankeeda kor loo qaaday iyo xogo sheega in weerar Shabaaku qorsheynayaan

Hargeysa Oct 29,2013(SDN)-Magaalada Hargeysa ayaa amniga kor loo qaaday ka dib kolkii ay soo baxeen xogo tibaaxaya in kooxda Al Shabaab ayy qorsheyneyso in ay weeraro ka fuliso caasimada Somaliland.

Waxa wadooyinka iyo xarumaha dawladeed la dhoobay ciidamo faro badan oo ka mida kuwa amaanka Somaliland.

Weerarka ayaa la aaminsan yahay in lagu soo beegi doono sanad guuradii 5aad ee ka soo wareegtay weerao Shabaabku ku qaadeen Xafiiska UNDP-da,Madaxtooyada iyo safaarada Itoobiya ee Hargeysa.

Sidaas oo ay tahay hadana wax war oo ay dawlada Somalilad ka soo saartay ciidamada muuqda ee magaalada soo buux dhaafiyay ayaan jirin.

Bishii October 29keedii 2008dii ayay aheyd kolkii qaraxyo ay mar ka wada dheceen xarumaha Madaxtooyada,UNDP iyo Safaarada Itoobiya.

Qarxyadaa oo ay ku dhinteen 20 ruux ayaa waxa sheegtay kooxda Al Shabaab.

SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed