Qabyaalaysiga iyo dabargoynteeda waxay meel mari kartaa markaad qaabi’ilka kale aad ka dayso dulmiga, hadii kale, iska dhaaf qiiq isku qariska, ee iska qiro
Qabiilka ha la daayaa la yiri: – se adigase ma iska daynkartaa?
Runtii madalka kasta oo aad tagto waxaa ku badan dadka Soomaalinimada jecel, isla markaasna hadii aad dhuuxdo qoraalada qaar, fikradaha iyo hadalada dadka is waydaarsanayaa, waxaad arkaysaa aysan dadka inta badan is isogayn in ay waxu dhimaayaan qabaaa’ilo kale, qabyaaladana kaga horeeyaan dadka kale oo ay rabaan in ka daaweeyan.
Bal u fiirso qoraalada qaarkooda, sidaa aad u xiisaynayso Soomaalinimada ay xambaarsan yihiin, ayaad waxaad arkaysaa in qoraalkii oo lagu weeraraayo qabiil, mid kalena lagu amaanaayo. Sidoo kale, inta badan dadka waxaad arkaysaa in qofka uu amaanaayo uu yahay mid ay isku reer yihiin, midka uu dhaliilaayana uu reerkale yahay – iyada oo qofka wax qoraaya marna cadaynayn ama qoraalkiisa ku cabirayn “sida ay aniga ila tahay ama sida aan ka soo xigtay“, ayuu kii qabiilkiisa aan ahayn uu ku tilmaamaa in uu yahay “qof cirfiid ah“, kii xigayna uu ku tilmaamaa in uu yahay “qof caadi ah“. Ficilka noocaan oo kalena, waa CADAALO DARIDA QABYAALADA laga dhaxlo, iyada oo dadka ku beerta MUNAAFAQNIMADA QABYAALADA keento, taas oo dhalisa NAC IYO NACAYB QABYAALAD ku salaysan, ugu danbayna ay tahay waxa ugu wayn ee sababay DAGAALKII SOKEEYE QABYAALADA owgeed dadkii ay xalaalaysteen dariskoodii oo ay CEESH iyo MILAXA ahaanyeen in ay daadiyaan dhiigoodii laga xarimay “qofkina ay noqotay in nafta u waayo qabiilkiisa owgeed”.
Qurbo Joogta ama Qaran joogtaba ha isku dayaan in ay erayadaan:”CADAALO DARIDA, MUNAAFAQNIMADA, NAC IYO NACAYB, DAGAALKA SOKEEYE” ka baaraan jeebkooda madaama ay ku lifaaqan yihiin lacagaha aad u guraysid in aad geliso olaha kala fogaynta umadda Soomaaliyeed, hadii aad ka waysana, lacagtii ay raacdaye, ee erayadaa kor ku xusan, waxay hada ay dageen qalbigaagee, isku day in aad ka bixin karto qalbigaaga inta ay goori goor tahay . Ogow ALLAH in uu cilmi qayb yahay – kana qarsoonayn cidii aad neceb tahay iyo cidii kaleba qabiil owgeed”, ogow in ay xisaabi ay jirto maalinta yoomul qiyaamo – ee ha la is xisaabiyaa la yiri.
Waxay aniga ila tahay, inkastoo aan waligay ka qayb galin shir nabadeed ilaa hada, sababta ay wadahadalada dadka Soomaaliyeed ee dagaalka sokeeye kala geeyey wax wanaaga u dhalin la’a yihiina ay tahay “QABYAALAYSIGA” – iyada oo beenta iyo xaqdarada la isku afgarto lagu qoslaayo, dadkuna u maleeyaan in maxabo ay ku dhamaatay arimaha laga hadlay, ayaa balantii iyo axdigii la galay baryo ka dib bada lagu daraa oon labo labo la isku qabsadaa.
Intaas iyo anigoo idin leh: Nabadgelyo iyo Noolikulantee, igana gudooma salaan “GARATAY IN AY AMAANKA SIISO QABIILKEEDA MARKAY ISKU WAREEREEN” oo idiinka timi magaalada Minneapolis, MN.
Waa qalinkii Mohamed Barre – Junlay [Buluf] ]oo wax ka qora arimaha Soomaalida ee Minnesota ee dalka Maraykanka
junlay99@aol.com.