Ardaynimooy sideed ahayd, sideedse noqotay???
Ardaynimadu waa shay qaali ah, aniga shakhsi ahaanna meel bay iigu suntantahay waqtigaygii ardaynimo ee aan fasal-ka fadhiisan jiray waliba waqtigu iskuma jiree waqtigii aan ku jiray dugsiga sare ayaa ah mid aad iigu sawwiran, ardaydii waqtigaasina way iiga duwanyihiin ardaydii aanu goobaha waxbarasho ee kale ku kulannay.
Hordhac ahaan, waqti xaadirkan ardaynimadu waxa aad moodaa inay xoogaa qiimo dhacday sida akhlaaqdii ardeynimo ee berigii hore la lahaan jiray oo aan sidi hore ahayn, meelo kalena runtii tayadii ardaynimadu kor bay u kacday sida xidhiidhka waalidka iyo macallinka oo berigii hore aan jirin laakiin imika meelo badan daruuri noqday. Qoraalkan oo talooyin u badan, waxaan ku abbaarayaa laba kooxood oo arday ah; kooxda hore waa ardayda dugsiyada ku jirta ama jaamacadahaba ee waddanka gudihiisa, qolada dambena waa ardayda waddanka dibaddiisa joogta ee waayuhu u saamaxeen in ay waxbarashada u doontaan waddamo kale.
Ardayda wax ka barata waddanka gudihiisa oo runtii ah tiro aad uga badan kuwa kale, waxaan kula talin lahaa inay hadaf yeeshaan waxbarashadana ay ka midho dhaliyaan guud ahaan. Waqtiga ayaa muhiim kuu ah ardayoow, socodka, akhriska iyo baadhista waxa kaa maqani hub hakuu noqdaan. Ardayda jaamacadaha ku jirta waxaan u sheegayaa waar haddii aanad ku fiicnayn kulliyadda aad dhiganayso imika oo ay kugu adagtahay ama aanad jeclayn niyad ahaan haka baqan inaad iska baddasho oo aad ku wareegto taad jeceshahay waayo waa hubaal in aad maalin uun iskaga tagi doonto ama aad ku fashilmi doonto oo qofku kuma sii dhex jiri karo deegaan aanu la haysan. Jaamacaddu way ka duwantahay dugsigii sare ee aad soo martay, waxay kaga duwantahay cilmi-baadhis, wax akhris iyo aqoon-wadaag aad ardayda la dareento ayay u baahantahay. Professor-ka wax kuu dhigaya inaad ka sii horrayso ama ugu yaraan aad la socoto ayay u baahantahay. Soo jeed iyo inaad meel dheer wax ka eegto ayay u baahantahay. Aqoonta aad baratay ama laguu akhriyayo isla maalintaas inaad dabbaqdo ayay u baahantahay. Inaad Library-ga la saaxiibto oo saacadahaaga wax-akhris ay bataan ayay u baahantahay.
Is waydii, Imisa saacadood baad wax akhridaa maalintii mise waxaad tahay darka maalmaha imtixaanku soo dhawaado mashquuliya library-ga? Macallinkana su’aalo kooban waydiiya: macallin, meelahee baad ka soo qaadaysaa imtixaanka? Imisa page ayuu ka koobnaan doonaa imtixaanku? Xitaa casharradii lagu soo qaaday Imtixaankii hore miyay ku jiraan kanna??
Akhriste, Wali ma aragteen arday/ardayad jaamacad ku jirta oo haddana qishaysa maalinta imtixaanka? Subxaanallaah! Haddaanad arag aniga ayaa arkay iyo ciddii kale ee ila aragtayba. Inkastoo la yidhaahdo qishku ama khiyaamada lagu dhex sameeyo imtixaanku waa shay adduunka oo dhami ka simanyahay gaal iyo muslim hadana waa lagu kala badanyahay, bulshooyinka qaar ayaa u yaqaanna ceeb iyo hoosayn, bulshooyinka qaarna dhexdooda wuxuu ka noqday caado iyo iska-caadi. Waxa jira arday ama laba ku jira fasal kasta oo aad u neceb qishka, waan xasuustaa arday ka mid ahaa ardaydii jaamacadda nala dhigan jirtay oo aad qishka u necbaa illaa imikana neceb. Waxaynu odhan karnaa waa waxyaabaha innala hadhay, tayadii aqooneed ee ardaydeennana hoos u dhigay, waxaan u soo joogay imitixaanno door ah oo laga qaaday arday ka qalinjabisay jaamacadaha waddanka oo loogu tartamayay shaqooyin, iska daa in ay ku soo baxaane ardayda qaar ayaad odhanaysaa yaa dib ugu soo bilaaba nidaamka wax loo soo barto! Runtii waa wax laga xumaado arday jaamacad dhiganaya oo laga yaabo inuu macallin yahay galinka kalena inuu isku dayo khiyaamo ama qish.
Ardayda Jaamacadaha bilaabaya ee ka soo baxday dugsiyada sare waxa dhacda in ay ku qaldamaan kulliyadda ama waxa ay ku takhasusayaan jaamacadda sannadaha soo socda.
Ardaygu waa inuu jaamacadaha ka hela Jihayn iyo Fahansiin ku saabsan jaamacadda iyo waxa lagu barto (Orientation), markaa kadib ayuu ardaygu ku baraarugi karaa dookhiisa waa ardayga aan garanayn waxa uu baranayo e. ardayga kale ee dookhiishu u sii cadyahay isagu waa Geesi, waxaynu kula talinaynaa uun inuu jeclaado waxa uu baranayo kuna dadaalo. Film-ka ka hadlaya waxbarashada ee Amiir Khan uu sameeyay (3 Idiots) oo aan filayo inay akhyaarta badankoodu ila aragtay daawo, Waxyaabaha laga faa’iidayo film-kaas ee quseeya mawduuceennan waxa ka mid ah:
· Ardaygu inuu barto waxa uu jecelyahay, haddii aanu jeclayn waxa uu baranayo ama aanu ku fiicnayna inuu u wareego waxa uu jecelyahay/ku fiicanyahay, xitaa waalidkaa haddii uu jecelyahay aqoonta aad baranayso laakiin adigu aanad jeclayn iska baddal waayo waa adiga qofka waxan baranayaa. Haddii Sawirka (Photpgraphy) aad ku fiicantahay baro photography-ga!
· Casharrada laguu dhigo in aanad qaybin ama xifdiyin ee aad fahanto.
· In ardaydu ay is caawiyaan waqtiga jaamacadda ama college-ka lagu jiro (Waliba haddii ay tahay boarding ama meel cunto iyo hurdoba laga helo) oo xaasidnimada iyo wax iska qarintu ay ceeb tahay.
· In uu ardaygu noqdo (Unique) ama qof sidiisa u taagan oo aanu cidna u daba fadhiisan aragtiyihiisa waxbarasho, haddaynu si kale u dhigno inaad lahaato dariiq aad leedahay oo lagugu xasuusan karo haddii aad tagto.
· Haka warwarin barri iyo waqtiga ka dambeeya jaamacadda iyo inaad shaqo heli doonto iyo in kale, bas kaliya wanaaji maalintaada!
· Iyo qodobbo kale oo aan khusayn mawduuca, qofkii daawaday wuu ka dheegan karaaye!
Ardayoow, Macallinka wax kuu dhigaya ha u fiirsan qabiilkiisa illeen lacag kuma lihide wax buuba kuu dhigayaaye ka faa’iidaysi uun! Dhaqamada xun-xun ee ka jira jaamacadaheenna ayay ka mid tahay oo runtii aan aad uga damqan jiray waqtigaan ku jiray jaamacadda! Sidoo kale ardayga aad la saaxiibayso ama aad la wadaagayso aqoonta haku raacin hayb, waa astaan lagu yaqaanno qofka aan kaligii istaagi karini inuu raaco inaadeerkii, Sax, inaadeerkaa marmar buu noqon karaa saaxiib kaaga ugu fiican!
Ardayda Jaamacadaha waddanka ku jirta anigoo soo koobaya waxaan kaga baxayaa waar fasalka aad ku jirto uun ha moodin dunida, berri dibadda ayaad u soo baxaysaa, tartanna waa la galayaa..arday waddamo kala duwan ka soo baratay isla aqoontaad baratayna waad la kulmaysaa…ma la tartarmi kartaa? Dib u fadhiiso oo naftaada uga jawaab su’aashaas iyada ah!
Ardayda wax ka barata waddamada dibadda oo tiradoodu soo badanayso beryahan dambe waxan rajaynayaa inay I maqalayaane, iyagu way ka xagjiraan kana arrin duwanyihiin ardayga waddankiisii jooga ee shaqaysan kara, jaamacadda iska bixin kara sidoo kalena hooyadii la sheekaysan kara habeen kasta. Waddankoodii hooyo, dadkoodii jeclaa iyo guryahoodii quruxda badnaa waxay uga tageen si ay wax u soo bartaan, laakiin tallow ma ku baraarugsanyihiin hadafkaas ay u baxeen? Qaar badan oo iyaga ka mid ahi waxay ku jiraan jah-wareer iyo jadwal la’aan, ardaydaasi waxay inooga baahanyihiin inaynu toosinno oo hurdada ka kicinno waqtigoodana ka caawinno sidii ay u toosin lahaayeen!
Talow se ma ogyihiin in ay waddan dhan iyagu u maqanyihiin? In ay dad iyo dal u baahan u maqanyihiin? Inay waalid badani ka dhursugayaan iyaga? Alla maxaa lagu soo tabcay intay waddanka joogeen oo loxoox badan shaaxa loogu daray, markay waxbarasho sare u baahdeenna diyaaradda la saaray!
Shakhsiyan markaan eego ardayda badan ee ku maqan waxbarasho dibadeed waxa I gasha rajo ah in uu waddanku mustaqbal ifaya waajihi doono dhawaan. Haddana waxaan calaamad su’aal saaraa rajadaydaas markaad waraysato qaar ka mid ah ee aad ku tidhaa waar halkeed wax marinaysaa? Ee ay kuugu jawaabaan: Niyaw wallaahi meesha waanu iska dhex joognaa uun, waddankiibaaba dhaamay! Subxaanallaah! Iyo markaad aragto iyagoo aanay kaba qasnaynba oo isku haysta inay guryahoodii joogaan. Internet ka iyo Social Networking-ku uu u noqday nolol maalmeedkooda caadiga ah, hurdaduna aanay xad u lahayn! Library iyo Wax-akhrisna ay kala tageen! Waar nimanyaw sidaasi idin anfici mayso, annagii idinka rajo-qabnayna na anfacayso! Dad badan baa idiin hanwayn oo idinku faana oo xaaladdiina uga sheekeeya dad kale; ha niyadjabinina dadkaas!
Qaar baa waddanka ka baxaya iyaga oo aan garanayn waxa ay soo baranayaan; markaasay ku soo waydiinayaan: waar inaadeer maxaan ka so bartaa meesha? Oo maxaad ka doontay markii hore hadaanad garanayn waxaad soo baranayso?? Talooyinkeeda waxaynu ku soo xusnay xagga hore!!
Waxa aad soo baranayso ee aad ku maqantahay ma yahay wax waddanka iyo naftaadaadaba aayo u leh? Qorshe aad waddanka kula soo noqonaysaa ma kuu yaallaa? Waa su’aalo u baahan inaad ka jawaabto imika intaad ka maqantahay waddanka!
Dhaqankaaga iyo diintaada ayaa ah mid muhiim kuu ah intaad waddanka ka maqantahay, maaha inaad adigoo soo beddelmay aad ku soo noqoto waddanka, cid kasta oo aad dhex-gasho ama aad wax la barato maaha inay beddesho dhaqankaaga, waa inaad adigu isku daydaa inaad iyaga wax u kordhiso, diinteenna suubanna aad ku dhex faafisaa si xikmadaysan!
Ardayda dibadda ku maqan iyo kuwa waddanka wax ku baranayaba waxaan leeyahay; aqoontu hagarbax iyo ka run-sheegis bay u baahantahaye, is-dhisa oo aqoontiinna aragti ku dara!
Waalidkana waxaan leeyahay ardayda ka warhaya xitaa hadday da’doodu wayntahay, garabgala oo dhiirrigaliya, dareensiiya in la sugayo oo loo baahanyahay aqoontooda, dookhiisana uga hadha marka ay jaamacadda gaadhaan!
Jaamacadaha waxaan u soo jeedin lahaa inay qaybo jihayn ah (Orientation centers) sameeyaan, si ardayda looga caawiyo waxa ay baranayaan ka hor jamacadaha.
Waddankeenna ardaydu 70% waxay ka soo baxayaan Science, 30% waxay ka soo baxayaan Arts. Laakiin Jaamacadda 70% waa Arts waxa la baranayaa, ardaydii Science ka ahayd xaggay qabanayaan? Medicine iyo Science kii waa xad aad u yar marka loo eego kulliyadaha kale ee Jaamacadaha waddanka. Su’aashaas waxa looga fadhiyaa Wasaaradda waxbarashada qaybta Waxbarashada sare qaabilsan. Sababta arday aad u badani waddanka uga baxeenna waa sababtaas!
Waxaan ku soo koobayaa; ardayeey is-beddelka loo baahanyahay in la sameeyo waxa hormuud ka ah aniga iyo adiga laakiin waa haddaynu aqoontaynu baranayno xaqqeeda siinno, aragti nadiif ah oo wax taraysana ku darno.
Abdirahman Abdillahi Saed
Germany255@hotmail.com
063 4461082