Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia oo la Kulmay Duubabka Dhaqanka ee Punt land
Garowe 21.October 2013 (SDN)- Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Somalia Nicholas Kay ayaa maanta magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland kulan kula qaatay qaar ka tirsan Ismada Puntland.
Kulanka oo intiisa badan ku saabsanaa arrimaha doorashooyinka Puntland ee sanada 2014-ka ayaa ahaa mid uu albaabada u xirnaa.
Suldaan Saciid Maxamed Kalaase oo u hadlay Isimada ayaa sheegay in dhammaan waxyaabihii ay ka wada hadleen Danjiraha ay quseeyeen qaabka soo xulista mudanayaasha baarlamaanka ee Puntland iyo sidii loo xaqiijin lahaa in si nabad ah u dhacdo doorashada Puntland.
Dhankiisana Kay ayaa tilmaamay inuu ku faraxsan yahay kulankani, isla markaana uu soo dhoweenayo in Isimada ay u xaqiijiyeen 5 dumar ah in ay ka mid noqonayaan dadka u soo xulayaan baarlamaanka.
Shalay ayay ahayd markii wafdi uu hoggaaminayo danjiraha Qaramada Midoobay ee arrimaha Somalia Nicholas Kay uu gaaray magaalada Garoowe.
Garowe SDN.
Qurbejoog.com