|

Bosnia oo Markii Ugu Horeysey u Soo baxdey Koobka Kubadda Cagta ee Aduunka Iyo Qaar Ka Shubey.By Jaahuur.

201397201222175580_20(SDN)-Oct-21-2012-Saaxiibayaal faaqidaadeena ciyaaraha waxaynu ku falaqeyneynaa isreeb-reebka koobka kubadda cagta aduunka oo wadamana aay ka shubeen qaarna ay u hayaamayaan Brazil.

Haddii aynu ku horeynu isreebreebka ka aloosan Yurub,waxaa xusud mudan Bosnia oo markii ugu horeysey u soo baxdey koobka kubadda cagta aduunka ee lagu qaban doono Brazil 2014-ka markii aay 1-0 uga badisey Lithuania kana wada tirsanaayeen Grupe G.

Waxa kale oo u soo baxay horyaalka kubadda cagta ee aduunka Spain oo aay soo racaan England iyo Russia.

Croatia,Romania,Sweden,Iceland,Portugal,Greece,Ukraine iyo France oo goradda iskula jira lana ogeyn kuwa u soo bixi doona.

Ilaa iyo Hadda wadamada u haajiri doona Brazil 2014-ka waxaa ka mid ah Italy,Netherland,England iyo Spain.

Waxa kale oo qaaradda Afrika uga socda kala haadinta koobka kubadda cagta aduunka sida aay u soo kalabaxeena faaqidaadeena ciyaarha ee soo socda ayeynu ku qeexi doonaa haddii uu ilaahay ka dhigo.

W/qorey Jaahuur

SDN

jjaahuur@hotmail.com

Comments are closed