|

Kismaayo: Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dawlada Federaalka iyo Madax uu Hogaaminayo oo Booqasho ku Yimid Kismaayo

Kismaayo 20.October 2013 (SDN)- Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Wafdiga  ayaa lagu wadaa inuu la kulmo madaxda maamulka KMG ah ee Jubba.

Wasiirka Gudaha SomaliaBooqashadan ayaa la sheegay inay xiriir la leedahay heshiiskii dowladda federaalka ah iyo maamulka KMG ah ee Jubba ay ku gaareen magaalada Addis-ababa bishii August ee sanadkan.

Wafdiga waxaa qeyb ka ah wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaan dhigga dowladda federaalka ah iyo xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Mamaxed Islaam (Axmed Madoowe) ayaa horraantii bishan sheegay in maamulkiisa uusan ka qeyb geli doonin shirka dib-u-heshiisiinta beelaha wada daga gobollada Jubbooyinka oo dowladdu ay sheegtay in wajigiisa kowaad lagu qaban doono Muqdisho.

Kismaayo SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed