|

Wasiirka Gaashaandhiga Somalia iyo Wefti uu Hogaaminayo oo Gaadhay Magaalada Beledweyne

Beledweyne 20.October 2013 (SDN)- Wafdi  wasiirro ah oo uu hoggaaminayo wasiirka gaashaandhigga ee xukuumadda federaalka ah ee  Soomaaliya Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Xubnaha wafdiga waxaa ka mid ah wasiirka Khayraadka Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo mas’uuliyiin kale.

FiqiUjeeddada socdaalka wafdiga ayaa lagu sheegay in tahay in shacabka gobolka Hiiraan ay uga tacsiyeeyaan ehelada dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay qaraxii shalay ka dhacay magaalada Beledweyne.

Wasiirka gaashaan dhigga Cabdixakiim Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa sheegay in Alshabaab ay guul darreysatay, islamarkaana ay usoo jeesatay dhibaateynta dadka rayidka ah.

Wuxuu ugu baaqay shacabka gobolka Hiiraan inay sii wadaan dadaallada nabadda iyo horumarka, ayna ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM garab ku siiyaan sidii loo ciribtiri lahaa Alshabaab.

Wasiirka Khayraadka xukuumadda federaalka, Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa tilmaamay in dowladda ay ka xuntahay dhibaatadii shalay ka dhacday Beledweyne, islamarkaana ay tiiraanyada la wadaagto shacabka gobolka Hiiraan.

19 ayaa ku dhimatay 30 kalana way ku dhaawacmeen qarax shalay ka dhacay maqaayada shaaha laga qabo oo ku taalla magaalada Beledeyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaasoo ay mas’uuliyadiisa sheegatay maleeshiyada Alshabaab.

Beledweyne SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed